Sign in to follow this  
Deeq A.

Raadiyaha Al-Shabaab ee Andalus oo “duqeyn lagu bur-buriyey”

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Warbaahinta dowladda federaalka ah gaar ahaan Radio Muqdisho ayaa daabacay in magaalada Jilib ee Gobalka Jubbada dhexe lagu burburiyey raadiyaha Al-shabaab ee Andolus, ka dib duqayn xoog leh oo xalay ka dhacday magaaladaasi.

Sida Radio Muqdisho ay sheegtay, duqayntaan ayaa ahayd mid bartilmaameed ah oo xarumo dhowr ah oo Al-Shabaab ay ku dhuumaalaystaan hal mar lagu wada rusheeyay. Goobaha sida gaarka ah loola beegsaday Raadiyaha Andalus.

Warbixinta Radio Muqdisho waxaa lagu xusay in shaqaale ka tirsan Raadiyaha Andolus ay ku jireen gudaha xilliga la bartilmaameedsaday, Jibril ayaa ka mid aha dadka halkaasi ku dhaawacmay.

Dhowaan ayay ahayd markii magaalada Jilib ay ku dagaalameen maleeshiyada Al-Shabaab ka dib markii uu soo kala dhexgalay shaki ah in qayb ayaga ka mid ah ay doonayaan inay ku biiraan Daacish, taasi oo keentay in gabar ka mid ah laga saaro magaalada Jilib.

Caasimada Online uma suuro-gelin inay si madaxbannaan u xaqiijiso warkan ku saabsan duqeynta ka dhacday magaalada Jilib ee lagu burburiyey Radio Andalus.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this