Sign in to follow this  
Deeq A.

Fadeexada dhismaha jidka Hargeysa-Kalabaydh: Qaybtii 2’aad

Recommended Posts

Deeq A.   

Fadeexada ka taagan dhsimaha jidka Hargaysa ilaa Kala-baydh: Part 2

Sidii aan kusoo sheegnay Maqaalkii hore waxa musuq wayni uu ka dhacay Mashruuca dhismaha ee Jidka isku xidha Hargaysa iyo Kala-baydh oo lacag malaayiin dollar ah ay ku bixinayso Dawlada Jarmalku,

Mashruucan ayaa waxa lasoo mariyay oo naadiyay Guddida Qandaraasyada Qaranka, waxaana soo xareeyay shirkado kala duwan oo si niyaad wanaag ah uga soo qayb galay tartankii Mashruucan waxase arin layaab leh noqotay in xubno kamida Guddida Qandaraasyada ee Qaranku ay dhabarka taabteen ama ay si cadaalada ka fog u xusheen shirakado ay dano gaar ah oo lacageed ku qabaan

Gudoomiyaha Guddida Qandaraasyada qaranka ee uu magacaabay Madaxwayne Biixi, Nuux Maxamed Xuseen oo kasoo jeeda beesha Madaxwaynihi hore ee Somaliland ayaa mudadii uu Gudidda Qandaraasyada gudoomiyaha u ahaa waxa si sharciga baal marsan qandaraasyo malaayiin Dollar ah uu u siiyay shirkado ay gacan saar hoose leeyihiin oo dane dhaqaale uu ku qabo iyo kuwo uu hab reernimo ah ku xushay, waxaana laga wada war hayaa in Mashaariic kasta oo soo marta Guddida Qandaraasyada oo la naadiyo ay ku guulaystaan shirkado kasoo jeeda beesha uu ka tirsan yahay Gudoomiyaha Guddida Qandaraasyada Qaranku

Shirkadahan habka reernimada ah uu u xusho Gudoomiyaha Guddida Qandaraasyada Qaranka ayaa ah kuwo gacan saar la leh kuwaas oo hadhawto u qoondeeya ama siiya Gudoomiyaha xaddi cayiman oo kamida lacagaha Qanadaarsyada ee uu shirkadahaas ku naas nuujiyay

Gudoomiyaha Guddida qandaraasyada oo caan ku noqday eex iyo reernimo ayaa Mashruuca dhismaha jidka isku xidha Hargaysa ilaa Kala-baydh oo lacag badan ay ku bixinayso Dawlada Jarmalku, wuxu damacsan yahay inuu si gaar ah doorkan u siiyo ganacsadaha lagu magacaabo Cabdirisaaq (Cumaani) oo ah mulkiilaha shirkada Somaliland Hono Group oo hore ugu fashilantay dhismaha Madaarka Hargaysa oo Lacag 10 Million ka badan lagu lunsday,

Dhismaha Madaarka Hargaysa oo ilaa hada dayacan isla markaana ay cabasho xoogan ka muujiyeen shirkadihii waawaynaa ee duulimaadyada ee caalamiga ahaa maadaama dhismaha Madaarka aan waxba laga qaban, dhabada diyaaraduhu ka haadaan ayaa waxa wali ka muuqata burbur laxaad leh oo sababi kara in dhaawacyo uu soo gaadho diyaaradaha isticmaala,

Dhismaha madaarka ee cabashada xoogan ka timid ayaa hore dhismihiisa si reer nimo ah iyo hab naas nuujin ah loogu siiyay shirkadan uu iska leeyahay Ganacsade Cabdirisaaq (Cumaani)

Markale ayuu ganacsadahan oo hore caan ugu ahaa Mashaariicdii boobka ahaa ee ay fulisay dawladii Axmed Siiraanyo maadaama oo uu kasoo jeeday jufada hoose ee Madaxwaynahaasi hore uu ku qaadan jiray mashaariic naas nuujin ah, taas oo dhaxal siisay in uu wali quudareeyo in hab sidii hore oo kale ah uu mashaariicda Qaranka Somaliland loogu deeqo afka ugu dhigto isaga oo hadba adeegsanaya cidii qabiilkiisa ah ee xil haysa si mashaariicdaas uu u qasaariyo isago dantiisa gaarka ah ka eegay

Dhan kale waxa iyaguna jira xubno uu kamid yahay xubinta guddida Qandaraasyada Qaranka ugu jirta beesha madaxwaynaha Somaliland, uu kamid yahay xubnaha guddida qandaraasyada qaranka ku jira ee xidhiidhka dhaw la leh gudoomiyaha guddida qandaraasyada

Xubinta kasoo jeeda beesha madaxwaynaha Somaliland ee Guddida Qandaraasyada ku jira ayaa isna ku sifoobay xubin musuqmaasuq oo dhexda u fadhiista qandaraasyadii Qaranka ee la baahiyay isla markaana sida niyad samida ah ay usoo xaraysteen muwaadiniinta reer Somaliland

Dubintan ayaa isna waxa uu xidhiidh toos ah la leeyahay Maayarka Caasimada Hargaysa SOLTECO iyo xidhibaan lagu magacaabo Cabdicasiis (SIISTO) oo ka tirsan golaha deegaanka oo ah labada qof ee sida gaarka ah u kireeyay qalabkii dhismaha ee Dawlada Hoose ee Hargeysa kaas oo loogu talo galay in lagu dhiso jidadka dayacan ee Magaalada hargeisa

Mr Maal iyo xildhibaan (SIISTO) ayaa waxay heshiis ku yihiin in qalabka dhismaha eeDawlada Hoose ee hargaysa si qarsoodi ah uu tartanka dhismaha ee jidka Hargaysa ilaa Kala-baydh uu ugu shaqaysto nin lagu magacaabo Axmed Baashe kaas oo isticmaalaya shirkad aan jirin oo leh magac qarsoodi ah oo la idhaa (Engineering and Management) Axmed Baashe ayaa isna kasoo jeeda jufada hooose ee Madaxwayne Biixi

Xidhibaan (SISTO) ayaa isagu ah maskaxdii ka danbaysay ee Maayarka Hargeysa ku dhaaliyay in qalabkii dhismaha wadooyinka ee Dawlada hoose loo soo ibiyay oo ah warshad laga soo iibiyay Dawlada Ethiopia in qalabkaas oo dadka Caasimadu wada leeyihiin lagu rakibo Deegaanka Galbeedka Hargeysa gaar ahaan u dhaw tuulada Abaarso si dadwaynaha deegaankaasi ugu maleeyaan inay tahay hanti ay iyagu gaar u leeyihiin

Sidoo kale siisto ayaa wuxu si sharciga baalmarsan u qaatay guri hanti dawladeed ah oo ay leedahay dawladu oo ku yaala xaafada shacabka ee magaalada Hargeysa

Labadan ujeedo ee is barkan ee ay kala wataan xubnaha aan kor kusoo sheegnay ayaa dhamaantood waxay u tafaxayteen inay lunsadaan isla markaana ay musuqaan hantidii iyo deeqihii loogu yaboohay umada reer Somaliland waxana xubnahani ay weelal u toshen sidii ay u lunsan lahaayeen Mashaariicdaas hadii hab cadaalada ku salaysan loogu hawl gali lahaa wax wayn kuso kordhin lahayd horumarka bulshada iyo mustaqbaka danbe ee Qarankan curdinka ah

Lasoco qaybta danbe oo aynu kuso qadan doono shirkadaha kale ee iyana kamida shirkadaha sida aadka ah ugu hawlan inay musuqaan mashruuca dhismaha jidka hargaysa ilaa kalabaydh iyo cidda dabada ka riixaysa oo aanu xogta danbe kuso gudbin doono. ………………….

Axmed Maxamed cilmi
Master of economic and policy planning
Kampala, Uganda

Ahmedmxd01@gmail.com
Axmedatoshe@gmail.com

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this