Deeq A. Posted November 18, 2018 Muqdisho ( Sh. M. Network )-Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax xoogan oo duhurnimadii maanta ka dhacay degmada Kaxda, gaar ahaan halka loo yaqaano Cumar Fiyaasko ee duleedka magaalada Muqdisho. Waxaana lala eegtay qaraxaasi Gaari uu watay mid ka mid ah saraakiisha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, sida uu Shabelle u xaqiijiyay Qof Goobjooge ah. Sidoo kale Goobjoogahan ayaa sheegay in qaraxa uu ku dhintay sarkaalkaasi, sidoo kalena uu ku dhaawacmay qof kale oo la saarnaa Gaariga. Illaa iyo hadda ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dhanka laamaha amniga oo ku aadan qaraxaasi. Balse waxaa goobta gaaray Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda federaalka Soomaaliya oo baaritaano ka sameeyay halkaasi. Halkan hoose ka dhageyso Codka. http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/11/Cod-goob-jooge-.mp3 The post Qarax kkhasaaro geystay Oo ka dhacay duleedka Muqdisho appeared first on Shabelle. View the full article Share this post Link to post Share on other sites