Sign in to follow this  
Deeq A.

Qarax culus oo ka dhacay duleedka MUQDISHO

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya deegaanka Km-13 ee duleedka magaalada Muqdisho ayaa waxay sheegayaan in halkaasi qarax Miino uu ka dhacay.

Gaari nooca loo yaqaan SURF ayaa la sheegay in Miinadan lala eegtay, waxaana halkaasi ku dhintey Hal qof iyadoo dhaawacna uu jiro, balse tirada rasmiga ah weli lama hayo.

Goob joogayaal ayaa inoo sheegay in goobta qaraxa uu ka dhacay ay gaareen ciidamo ka tirsan dowladda federaalka, welina lama oga dadka qaraxan lala eegtay waxa ay ahaayeen.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale, Insha Allah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this