Deeq A. Posted November 18, 2018 Muqdisho ( Sh. M. Network )-Shirkan oo looga hadlayo arrimaha Ganacsiga Soomaaliya iyo horumarrada Dhaqaale ee dalka ayaa maanta ka furmay magaalada Muqdisho, waxaana shirkaasi ka qeyb galay oo daahfuray Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre. Sidoo kale waxaa shirka ka qeyb galay masuuliyiinta Shirkadaha Ganacsiga Caalamiga ah, kuwa Maxaliga iyo Madax ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya. Ugu horreyn R/wasaare Kheyre oo ka hadlay shirkani ayaa sheegay in Ganacsatadu ay yihiin kuwa kaliya ee uu dalka ku badbaaday jiritaankiisa, taasina ay ku timid amaanada. Ra’iisul wasaaraha oo soo hadal qaaday kobaca Dhaqaale ee dalka ayaa xusay in sanadkan Dakhliga soo xarooday uu ka wanaagsan yahay sanadihii hore. Soomaaliya oo haatan ka soo kabaneysa burburkii soo maray ayaa sanadihii la soo dhaafay horumaro ka sameyneysay Ganacsiga gudaha iyo kan dibadda intaba. The post Shir looga hadlayo Ganacsiga dalka Oo ka furmay Muqdisho appeared first on Shabelle. View the full article Share this post Link to post Share on other sites