Sign in to follow this  
Deeq A.

Rag hubeysan Oo Gaari rakaab ah ku rasaaseeyay Sh/ Dhexe

Recommended Posts

Deeq A.   

Cadale ( Sh. M. Network )-Wararka laga helayo Sh/ Dhexe ayaa ku warramaya in maanta kooxo Burcad ah Gaari Rakaab ah ay ku rasaaseeyeen qeybo ka mid ah gobolkaasi.

Gaarigan oo ku soo jeeday magaalada Muqdisho ayaa la sheegay in waddada loo galay, kadibna lagu rasaaseeyay agagaarka degmada Cadale ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

Ugu yaraan illaa 2 Qof oo ka mid ah Rakaabkii saarnaa Gaariga ayaa dhaawacantay, sida ay Shabelle u xaqiijiyeen ilo deegaanka ah.

Sidoo kale waxaa rogmaday Gaarigii ay la socdeen dadkaasi, kadib markii la huwiyay  rasaas xoogan.

Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay maamulka degmada Cadale oo ku aadan dhacdadaasi.

Inta badan waxaa Shabeelaha Dhexe ka dhaca weeraro ay dadka shacabka ah kala kulmaan kooxo Burcad ah oo ku sugan Waddooyinka gobolkaasi.

The post Rag hubeysan Oo Gaari rakaab ah ku rasaaseeyay Sh/ Dhexe appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this