Deeq A. Posted November 18, 2018 Gaalkacyo ( Sh. M. Network )-Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya dhaawac maanta degmada Jariiban loogu geystay Farxaan Faarax Cabdi oo ka mid ah Wariyeyaasha ka howlgala gobolka Mudug. Dhaawac Wariyaha ayaa yimid, kadib markii ay murmeen nin la sheegay in uu ka mid yahay dadka deegaanka, kaas oo Mindi ku soo weeraray. Wariye Farxaan Faarax Cabdi ayaa ka howlgala Radio Jariiban oo uu ka mid ahaa Aas Aasayaashii Idaacaddaasi. Ninka ka dambeeyay falkani ayaa lagu soo warramayaa in uu baxsaday, balse waxaa goobta gaaray Ciidamo ka tirsan kuwa Puntland oo howlgallo ka wada halkaasi. Xaaladda caafimaad ee Wariyaha ayaa laga deyrinayaa, kaas oo haatan lagu dabiibayo mid ka mid ah isbitaallada ku yaalla magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug. The post Nin hubeysan Oo Wariye ku dhaawacay gobolka Mudug appeared first on Shabelle. View the full article Share this post Link to post Share on other sites