Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasiirkii hore ee Warfaafinta oo Geesi ku tilmaamay Shariif Xasan kadib iscasilaadiisii

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Wasiirkii hore ee Warfaafinta Soomaaliya Cabdullaahi Ciilmooge Xirsi, ayaa muddo 11 maalin kadib ka hadlay iscasilaadii Shariif Xasan Sheikh Aadan, madaxweynihii Koofur Galbeed oo gabi ahaanba tartanka doorashada isaga haray.

Mr Xirsi, ayaa marka hore soo dhaweeyay iscasilaada Shariif Xasan Sheikh Aadan isaga oo ku tilmaamay inuu yahay Geesi wax badan soo shaqeeyay, ugu dambeyntiina qaatay go’aan dad badan aysan fileyn.

Wuxuu wasiirka sheegay in Shariif Xasan uu qiimeeyay marxaladda ka jirta deegaanada Koofur Galbeed iyo culeesyadii heystay, taasina ay dhalisay inuu ka tanaasulo xilka madaxweynaha iyo musharaxnimada Koofur Galbeed.

Mar uu kahadlayay arintaasi iyo fursadda ka dhalan karta, ayuu sheegay in dadka Koofur Galbeed oo muddo ku doodi jiray inay hogaamiye cusub doonayaan ay hadda heystaan fursadii ay muddo raadin jireen.

Musharixiinta Koofur Galbeed ee isbadalka doonaya ayuu kula dardaarmay inay ka faa’ideystaan fursadda hortaala, islamarkaana ay u tanaasulaan ruuxa caasimada Koofur Galbeed ku shaqeyn kara.

Wuxuu ugu dambeyn sheegay in loo baahan yahay in Koofur Galbeed lagala shaqeeyo horumarinta deegaanka iyo xaqiijinta amaanka deegaanada ay ka qabsadeen ciidamada Al Shabaab.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this