Sign in to follow this  
Deeq A.

Goobjoog Media Group: Waxaan Cadaalad u Raadineynaa Weriye Jamaal Khashoggi, Sawirro

Recommended Posts

Deeq A.   

Dilkii loo geystay saxafiga Washington Post ee Jamaal Khashoggi oo hadda loo heysto inuuba amray dhaxal-sugaha Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan, ma aheyn oo keliya mid waxashnimmo ah balse waxaa ay cabsi gelisay dhammaan saxafiyiinta caalamka.

Iyada oo taasi laga ambaqaadayo, weriyeyaasha Goobjoog Media Group ayaa maanta waxaa ay dhigeen isu soo bax lagu dalbanayo inuu cadaalad helo Jamaal Khashoggi. Dilka Khashoggi wuxuu ahaa mid arxan-darro ah, oo aan horay dunida uga dhicin, waana dhambaal ka dhan saxaafadda, xuriyadda hadalka, runta, xaqa, xaqiiqda iyo inta u doodda xuquuqda inta dulman.

Goobjoog ahaan, isu soo baxa aan maanta sameynay, keliya ma aheyn in aanu u doodeyno jiritaanka warbaahin xor ah, madaxbannaan iyo dhiirigelinta inay saxafiyiinta gutaan shaqadooda cabsi la’aan balse waa mas’uuliyad akhlaaqi ah, oo naga saaran in aan cambaareyno dilkii foosha xummaa.

Dilka siyaasadeysan ee Jamaal Khashoggi  waxaa ay daliil u tahay awoodda maamullada qaar oo ilaalinta maslaxadooda gaar ah u sameyn kara dambi midkan oo kale ah.

Maanta, Jamaal Khashoggi,  laakin berri waxaa ay arrintan ku dhici kartaa warbaahin iyo Saxafi Soomaaliyeed ama meel kalaba joogo, waa in aan mar walbo xaqa difaacno, waayo aamusnaanteenna waa nagula xisaabtami-doonnaa.

Waatii uu horay u yiri Martin Luther King “Ma xusuusan-doonno oraahda cadawgeenna, balse aamusnaanta saaxiibadeen”.

Goobjoog News

2Z2A9734-1024x683.jpg 2Z2A9755-1024x683.jpg 2Z2A9711-1024x683.jpg 2Z2A9718-1024x683.jpg 2Z2A9723-1024x683.jpg 1-1-1024x683.jpg 2Z2A9745-1024x484.jpg

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this