Sign in to follow this  
Deeq A.

Wariyihii Sacuudiga ee la dilay Jamaal Khashoggi oo xaas qarsoodi ah qabay,Halku ku qabay & Xoggo kale+Sawirro

Recommended Posts

Deeq A.   

Wariyihii Sacuudiga ee la dilay Jamaal Khashoggi oo xaas qarsoodi ah ku qabay

jamalxaskale1.jpg?resize=690%2C518

Wargeyska The Washington Post ayaa maanta daabacay wareysi ay la yeesheen haweeney u dhalatay dalka Masar, taasi oo sheegtay in uu si qarsoodi ah u guursaday Jamal Khashogji, dhowr bilood ka hor inta aan lagu dilin qunsulliyadda Sacuudiga ee magaalladda Istanbul ee dalka Turkiga.

Haweeneyda waxay magaceeda ku soo koobtay H. Atr, iyadoo codsatay inaan magaceeda oo dhamaystiran la shaacinin sababo Ammaankeeda iyo Shaqadeeda.

Waxay tilmaamtay inay munaasabadda nikaaxa si qarsoodi ah loogu qabtay magaalada Washington, iyadoo aysan ka war qabin xaaskiisa Turkishka ee Khadiija Cengiz iyo xubnaha qoyska Jamaal Khashoogi, waa sida ay hadalka u dhigtay.

Waxay Wargeyska Washington u soo bandhigtay caddaymaha Nikaaxa iyo Sawiro ay la gashay Jamaal Khashoggi.
jamalxaskale.jpg?resize=630%2C466

Haweeneyda Masaarida waxay codsatay ka xaas haan in la siiyo xuquuqdeeda oo buuxda iyo in loo ictiraafo inay tahay xaaskii saxafigaasi.

Dhinaca kale, mid ka mid ahaa saaxiibada khaaska ee Saxafigaas oo  codsaday inaan magaciisa la shaacinin waxa uu u sheegay Waregeyska The Washington Post inuu goobjoog ka ahaa Munaasabaddii uu Jamaal khashoggi ku mehersaday Haweeneyda Masaarida ee haatan isa soo bandhigtay inay tahay Xaaskii Jamaal Khashoggi.

Baraha Twitter-ka ayaa la soo dhigay Sawiradda iyo magaca haweeneydaas, oo lagu sheegay Xannaan.

jamalxaskale2.jpg?resize=630%2C840

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this