Sign in to follow this  
Deeq A.

Xildhibaan Dalxa Oo ka hadlay doorashada K/ Galbeed

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho ( Sh. M. Network )-Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka ee BFS oo u warramamayay Shabelle ayaa ka hadlay arrimaha doorashooyinka maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliyeed.

Xildhibaan Dalxa ayaa ugu baaqay madaxda sare ee Koonfur Galbeed in ay si cadaalad ah uga shaqeeyaan doorashada maamulkaasi.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay in giddiga qaban qaabada doorashada looga baahan yahay in ay dardar galiyaan howlaha shaqo ee loo igmaday, si uusan markale dib u dhac ugu imaan waqtiga loo qoondeeyay doorashadaasi.

Doorashada Koonfur Galbeed ayaa la filayaa in ay qabsoonto 28-ka bishan Novmber, taas oo ay u taagan yihiin musharraxiin dhowr ah.

The post Xildhibaan Dalxa Oo ka hadlay doorashada K/ Galbeed appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this