Sign in to follow this  
Deeq A.

R/w Kheyre Oo kormeeray Ciidamo loo diyaarinayo amniga Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho ( Sh. M. Network )-Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda Federalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa booqasho dhiiri-gelin ah ugu tagey Ciidamo ka tirsan Booliska, kuwaa oo loo diyaarinayo qorshaha sugidda Amniga Caasimadda.

Mudane Xasan Cali Khayre ayaa mid mid u weydiiyay Ciidamada Xaaladdooda Nolaleed iyo mid Tabar intaba, isagoo warbixinno ka dhageystay macalimiinta tabarka siinaya ciidankan loo diyaarinayo sugidda Amniga.

Xoghayaha Gobolka Banaadir Cumar Cabdirisaaq Xuseen oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in Ra’iisul Wasaaraha XFS  Mudane Xasan Cali Khayre uu u kuur-galayay Xaaladaha Ciidamada iyo tababarada ay qaadanayaan.

“Ra’iisul wasaaraha JFS waxuu kormeer ku tagay xarumo kala duwan oo ay ku tababaranayaan Ciidamo ka tirsan Booliska Soomaaliya oo ku yaalla Gobolka Banaadir, waxuuna kormeer ku soo maray xarunta Dugsiga tababarka Janaraal Kaahiye, isagoo u mahad-celiyay Macalimiintii tababarka bixinayay”ayuu yiri Xoghayaha Gobolka Banaadir Cumar Cabdirisaaq Xuseen

Mudane Cumar Cabdirisaaq Xuseen ayaa sheegay in ay jiraan Ciidamo u xareysan sugidda Amniga Caasimadda oo dhawaan lagu wado in ay soo qalin-jabiyaan kuwaa soo la wareegaya Amniga.

“Sidaad ka warqabtaan waxaa jira Ciidammo u xaraysan sugidda Amniga Caasimadda oo dhawaan soo qalin-jibin doona, kuwaas oo aan rajeyneyno in ay la wareegaan Amniga guud ee Caasimadda oo aan rajeyneyno in wax weyn uu iska badalo”ayuu raaciyay Xoghayaha Gobolka Banaadir

Mudane Xasan Cali khayre oo ay wehliyaan Wasiirka Qorsheynta iyo Xiriirka Calaamiga ah ee Soomaaliya Xildhibaan Jamaal Maxamed Xasan, Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Bashiir Cabdi Maxamed (AMERICO), Xoghayaha Gobolka Banaadir Cumar Cabdirisaaq Xuseen  iyo Saraakiil kale ayaa sidoo kale kormeer ku tagay qaar kamid ah Isgoysyada Gobolka Banaadir.

The post R/w Kheyre Oo kormeeray Ciidamo loo diyaarinayo amniga Muqdisho appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this