Sign in to follow this  
Deeq A.

Ceeb: Shabaab oo booliska Kenya ku laaluushay lacag aad u yar iyo weerar culus oo ay la fududeeyeen

Recommended Posts

Deeq A.   

Nairobi (Caasimada Online) – Saraakiisha booliska Kenya ee ku sugan Xuduuda Kenya iyo Soomaaliya ayaa u fududeeyay Ismiidaamiyaal Al Shabaab ah bishii Febraayo ee sanadkaan inay isqarxiyaan kadib markii ay laaluush ka qaateen, sida lagu sheegay warbixin ay baahisay Qaramada Midoobay.

Warbixinta ayaa si cad u sheegaysa sida ciidamada amaanka Kenya ay si joogto ugu qaataan laaluush toos ah oo gaaraya meesha ugu hooseysa oo ah 20 dollar, oo ay ka qaadanayaan kooxaha argagixisada si ay iyaga u waxyeeleeyaan.

Warbixinta The Somalia Report 2018, oo Khamiistii ay baahiyeen Guddiga dabagalka cunaqabateynta saaran Eritrea iyo Somalia ayaa shaaca ka qaaday sawirka aysan u qalmin ciidamada amaanka ee dalka Kenya, waxaana lagu shaaciyay sida kooxda Al Shabaab oo saldhigooda yahay Soomaaliya ay joogto uga gudbaan xuduuda si ay u dilaan Kenyanka.

Tusaale ayaan, baaritaan lagu sameeyay weerar fashilmay oo dhacay bishii Febraayo ee sanadkaan ayaa lagu ogaaday in kooxda Al Shabaab ee ka howlgasha xuduuda Kenya iyo Somalia ay shan jeer muddo seddex bilood ah kasoo gudbeen xuduuda, iyaga oo ciidamada amaanka Kenya siiyay laaluush gaaraya 20 Doolar.

Afar kamid ah Al Shabaab oo ay qabteen waaxda la dagaalanka Argagixsada ee Booliska kadib howlgal dhacay ayaa la geeyay magaalada Nairobi ee dalka kenya, kuwaasi oo siyaabooyin kala duwan loo wareystay.

Booliska Kenya ayaa baaritaan ay sameeyeen bishii Febraayo ee sanadkaan waxay ku qabteen labo ruux oo looga shakiyay inay Al Shabaab la shaqeeyaan, oo kala ahaa Cabdimaajid Xasan Aadan iyo Maxamed Naane Cusmaan oo waday gaari ay ka buuxeen waxyaabaha qarxa, waxaana ay doonayeen inay gudaha Nairobi la galaan.

4 Febraayo ee sanadkaan Shan kamid ah Al Shabaab  ayaa ka gudbay xuduuda dhanka degmada Ceelwaaq, iyaga oo ka gudbay halka ciidamada ay joogeen, waxaana kadib ay maalmo kadib tageen magaalada Ceelcadde.

Ku dhawaad 50,000 oo doolar ayaa kooxda dabagalka ee Eritrea iyo Somalia ay ku qiyaaseen lacagta Al Shabaab ay u adeegsadeen laaluushida ciidamada booliska Kenya si xuduuda ay kaga gudbaan.

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi 
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this