Sign in to follow this  
Deeq A.

Kenya oo war cusub kasoo saartay dhismaha darbiga xuduudda Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga Difaaca baarlamaanka ee dalka Kenya ayaa sheegay in dhismaha darbiga xuduuda ay la wadaagaan dalka Soomaaliya uu si wanaagsan kaga socdo halka laga dhisayo.

Guddiga ayaa warbixin ku sheegay in ciidamada difaaca Kenya ay la shaqeeyaan dadka dhismaha wada, waxaana xildhibaanada ay safar ku tageen magaalada Mandheera si ay u hubiyaan sida howsha u socoto.

Xildhibaanada ayaa u kuurgalayay sida darbiga dhismahiisa u socdo, caqabadaha jira iyo aalada casriga ah ee loo baahan yahay si darbiga loo dhameystiro.

Guddoomiyaha guddiga difaaca Kenya Katoo Ole Metito ayaa sheegay inay u kuurgalayeen aragtida shacabka ay ka qabaan in ciidamada Kenya ay ka baxaan gudaha dalka Soomaaliya, ayna qiimeynayeen sida howsha darbiga u socoto.

Xildhibaanka Bariga Mandheera laga soo doorto Xildhibaan Cumar Sala ayaa ka hor sheegay baarlamaanka in dadka deegaanka Mandheera ay doonayaan in ciidamada Kenya laga saaro Soomaaliya, iyadoo ay ugu wacan tahay weeraro badan oo argagixiso ah.

Guddoomiye ku xigeen magaalada Mandheera Maxamed Caraay ayaa sheegay in tan iyo markii la dhisay Darbiga aysan jirin weeraro Al Shabaab ay ka fuliyeen magaalada Mandheere ee dalka Kenya.

Ingineero kamid ah ciidamada Difaaca Kenya ayaa sheegay in la dhisay 12  Km oo darbiga ah, taasina ay keentay in la xaqiijiyo inay difaac adag u noqon karto ciidamada difaacaya dhanka xuduuda.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this