Sign in to follow this  
Deeq A.

Haweenay U Dhalatay Dalka Masar Oo Sheegtay Inuu Si Hoose U Guursaday Wariyhii La Dilay Ee Jamal Khashooggi +SAWIRRO

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Washington)Wargeyska The Washington Post waxa uu maanta daabacay wareysi ay la yeesheen Haweeney u dhalatay dalka Masar, taasi oo sheegtay inuu si qarsoodi ah u guursaday Saxafigaasi, dhowr bilood ka hor inta aan lagu dilin Qunsulliyadda Sacuudiga ee magaalladda Istanbul ee dalka Turkiga.

AFDBB51F-1EA3-47B4-98DC-B0DB121AE3B2.jpe 71531525-B2B9-4D05-9F4A-62492A2CF376.jpe 6663D4FD-3796-49FA-9113-D7EE6E94CC8E.jpe 9F06FB35-772E-4527-A2D4-7F7CECD932FA.jpe

Haweeneyda waxay magaceeda ku soo koobtay H. Atr, iyadoo codsatay inaan magaceeda oo dhamaystiran la shaacinin sababo Ammaankeeda iyo Shaqadeeda.

Waxay tilmaamtay inay munaasabadda Nikaaxa si qarsoodi ah loogu qabtay Washington, iyadoo aysan ka war qabin Xaaskiisa Turkishka ee Khadiija Cengiz iyo xubnaha Qoyska Jamaal Khashoogi, waa sida ay hadalka u dhigtay.

Waxay Wargeyska Washington u soo bandhigtay caddaymaha Nikaaxa iyo Sawiro ay la gashay Jamaal Khashoggi.

Haweeneyda Masaarida waxay codsatay Ka Xaas Mulim ahaan in la siiyo Xuquuqdeeda oo buuxda iyo in loo ictiraafo inay tahay Xaaskii Saxafigaasi..

Dhinaca kale, mid ka mid ahaa saaxiibada khaaska ee Saxafigaas oo codsaday inaan magaciisa la shaacinin waxa uu u sheegay Waregeyska The Washington Post inuu goobjoog ka ahaa Munaasabaddii uu Jamaal khashoggi ku mehersaday Haweeneyda Masaarida ee haatan isa soo bandhigtay inay tahay Xaaskii Jamaal Khashoggi.

Baraha Twitter-ka ayaa la soo dhigay Sawiradda iyo magaca haweeneydaas, oo lagu sheegay Xannaan.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this