Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland oo xabsiga ka sii daysay nin dil ku xukunaa oo xarigiisa uu deegaanada Galmudug ka abuuray carro

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Maamulka Puntland ayaa xabsiga kasoo daayay ganacsade kasoo jeeda Galmudug, kaasi oo dhawaan maxkamad ay ku xukuntay dil toogasho ah.

Cabdirisaaq  Xuseen Tahliil, oo ah ganacsadaha xabsiga laga sii daayay ayaa maxkamada magaalada Boosaaso waxay ku eedeysay inuu ka tirsan yahay Al-Shabaab, waana sababta xukunka dilka loogu riday.

Wadahadal dhexmaray Galmudug iyo Puntland ayaa lagu heshiiyay in xabsiga laga sii daayo Mr Tahliil, waxaana wadahadalka ugu badan yeeshay guddoomiyaasha labada maamul ee magaalada Gaalkacyo.

C/risaaq, waxaa mrkii lasoo daayay kadib maanta laga soo dajiyay garoonka diyaaradaha e magaalada Muqdisho, iyadoo aan la ogeyn ujeedada dhabta ah ee ka dambeysa in la keeno magaalada Muqdisho.

Cabdirisaaq Tahliil ayaa waxaa xili habeen lagala baxay Gurigiisa oo ku yaalla Magaalada Gaalkacyo, iyadoona waxyar kadib Qabashadii Cabdikariin Sheekh Muuse (Qalbi-Dhagax) uu kasoo muuqday Maxkamad ku taalla Puntland, waxana Puntland ay ku xukuntay dil toogasho.

Maalmo ka hor ayey aheyd markii Dibadbaxyo Rabshado Wata oo ay dhigeen boqolaal shacab ah oo careysnaa,kaasi oo ka dhacay Koonfur Magaalada Galakacyo,isla markaana ay uga soo horjeedeen xukunka dilka ah ee Maxkamadda Puntland ay ku xukuntay Cabdirisaaq Tahliil.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this