Sign in to follow this  
Deeq A.

Yariisow oo cambaareyn iyo carro kala kulmay qoraal uu soo dhigay twitter-ka

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha gobolka Banaadir, ahna duqa Muqdisho Cabdiraxmaan Cumar Yariisow, ayaa carro xooggan iyo ceebeyn kala kulmay qoraal uu soo dhigay bartiisa twitter-ka, oo uu taageero ugu muujiyey ra’iisul wasaaraha Britain Theresa May.

Theresa May ayaa wajahaysa caqabad ah inay baarlamanka dalkaas ka dhaadhiciso inay ansixiyaan heshiis ay Britain kaga baxeyso Midowga Yurub, kadib markii ay is-casileen qaar ka mid ah wasiiradeeda, oo kasoo horjeeda heshiiska.

Qoraalka uu Twitter soo dhigay ayuu Yariisow ku yiri “Waxaan ka mid ahaa dadkii 48% ahaa ee u cadeeyey in Britain ay kasii mid ahaato Midowga Yurub, si kastaba, waa inaan taageernaa qorshaha May ee Brexit, maadaama ay ka dhabeysay ballan-qaadkeedii dadka iyo aragtideeda danaha qaran ee UK. Aan horey u soconno, oo yaynan kusoo laaban halkii aan ka billownay”

1.png

Qoraalkan ayaa dad badan oo ku xiran twitter-ka Yariisow ay carro ka muujiyeen, ayaga oo layaab ay la noqotay in duqii caasimadda Soomaaliya uu siyaasadda dal kale ku mashquulsan yahay.

Hibaaq Shookari ayaa tiri “Aan horey u soconno, yaa nahay annaga, markii ugu dambeysay waxaan ogaa adigoo ah duqa Muqdisho”

2.pngCabdiraxmaan Cusmaan ayaa isna ku yiri Yariisow “Shaqadaada xoogga saar, tani waa sababta baarlamanka ay tahay inuu shaqooyinka uga xayuubiyo dadka haysta baasbaoorada caalamiga ah

3.pngMaxmaed ayaa isna ku yiri “Mudane haddii aad tahay British, na dhaaf, oo dalkeena nooga bax”

4.pngMo Ali, ayaa isna yiri “Qoraalkan aad twitter soo dhigtay jaceyl ugama heli doontid Soomaalida, waa inaad diiradda saartaa Muqdisho 100%, oo aad ka tagtaa siyasaadda UK”.

5.pngAxmed Cabdulle ayaa isna yiri “ Ileen ceeb looma dhinto… badida nin baa kula daydayi daalna kaabadane, oo aan dooneeyn in aad hesho daa’in abidkaaye! Layabaabi maayo hadii la ii sheego in Farmaajo uu doorashadi xiliga dhexe ee Maraykanka ka codeeyey!.

6.pngDr. Young ayaa isna yiri “Ma garwaaqsan tahay sida qoraalkaagaa uu yahay mid aan xirfad ku dhisneyn. Waxaad maamushaa caasimadda dal dhan, waxaadna ka wel weleysaa siyaasadda dal kale, haddii aadan ka tanaasuleyn baasaboorka British-ka, ugu yaraan iska dhig in 100% aad diiradda saareyso Muqdisho.”

7.png

Arrintan ayaa ah tii labaad oo Yariisow uu muddo toddobaad gudihiis ah kala kulmay cambaareyn xooggan, ayada oo dhowr maalin ka hor la arkay isaga oo ku heesaya Jabuuti maalmo kadib markii dad ku badan 50 qof ay Al-Shabaab ku dishay qaraxyo ka dhacay Muqdisho. Halkan ka daawo heesta Yariisow.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this