Sign in to follow this  
Deeq A.

Daawo : Shirweynihii Jaaliyada Guud ee Puntland ee Århus – Denmark iyo Doorashadii Gudida Cusub ee Jaaliyada

Recommended Posts

Deeq A.   



Shirweynihii sannadlaha ahaa ee Jaaliyada Guud ee Puntland ee Dalka Denmark ayaa lagu qabtay magaalada Århus, kaas oo lagu doortay Gudida iyo Gudoomiyaha Cusub ee hogaamin doona Jaaliyada Puntland ee Denmark mudada 2 sano ee soo socda Mudane Abshir Xasan Sheekhdoon

Shirkaas oo looga hadlay laguna soo bandhigay hawlihii iyo qorshayaashi gudiga Jaaliyadu ay soo qabteen mudo xilyeedkii ay gacanta ku hayeen gudoonka Jaaliyada.

FB_IMG_1542450259341-300x169.jpg

Gudoomiyihii hore ee Jaaliyada Puntland ee Denmark Mudane Siciid Dhimbiil ayaa hadal uu ka jeediyey madashii shirka ku dheeraaday hawlihii shaqo, samafal, isku xir bulsho ee Gudida iyo dhamaan xubnaha Jaaliyadu soo qabteen, iskana kaashadeen mudadii ay xilka hayeen.

Gudoomiye Siciid Dhinbil ayaa sheegay in xilku yahay meerto, dimuqraadiyaduna ina bareyso in shaqada bulshada loo hayaa ku hormari karto, iskaashi, wada-yashi iyo in dhiig cusub iyo xoog cusub oo fresh ah mar walba talada iyo waxqabada lagu kabo.

FB_IMG_1542450211437-300x169.jpg

Gudoomiye Siciid Dhimbiil ayaa xusay in mudadii ay xilka hayeen isaga iyo gudigii la shaqeynaayey ay ku guuleysteen in ay Jaaliyada Puntland ee Denmark ku caan baxdo in ay noqto Jaaliyad Samfal, oo mar walba safka hore uga jirta hawlaha isku xirka bulshada iyo Tabarucaadka shacbiga tabaaleysan ee ku dhaqan Puntland iyo guud ahaan Somaaliya.

Gudoomiyaha ayaa sidoo kale sheegay in ay ku guuleysteen in maamulka Jaaliyada ka leexiyaan dhaqan xumadii Jaaliyadaha Somaalida kuwo Puntlandba lagu yaqaano ee ah in ay noqdeen ” ONE MEN SHOW ” oo ah in Jaaliyadaha shaqsiyaadka maamulaa ka dhigtaan hanti ay iyagu si gaar ah u leeyihiin, oo jeebka ay ku wataan, ama NGO ay ku shaqeystaan, isla markaan kaga tuugsadaan dawladaha loo martida yahay.

Gudoomiyaha ayaa sheegay in dhaqan xumadaasi ay keentay in Jaaliyaduhu noqdaan meel laga xoogsado, oo hal qof ama koox gaara ah gacanta ugu jirta mudo aad u dheer,isla markaana Bulshooyinka ka dhex abuura dagaal, Qabyaalad iyo isqabqabsi joogta ah, iyadoo aad arkayso hal magaalo oo yar oo 300 urur ama Jaaliyadood ka dhisan yihiin, oo dhamaantood ku tuugsanaayaa in ay Somalia ka wadaan boqolaal mashruuc oo wada been ah, dhamaantoodana waxay ay tartan ugu jiraan, waxay dhacaan, waxay xadaan, iyo in ay Telefishinada ka soo muuqdaan, si ay xilal uga helaan Dalkii Hooyo.

Gudoomiyahihii Hore ee Jaaliyada ayaa soo jeediyey in Bulshooyinka Somaaliyeed ee Qurbuhu u kacaan oo la dagalmaan dhaqan xumadaa iyo ceebta ay magaca Somaaliyeed ku soo kordhiyeen Jaaliyaha daneysiga loo furtay, isagoo xusay in ay muhiim tahay in xitaa xogtooda lala wadaago hayadaha tuugsiga loo tago iyo warbaahinta wadamada loo martida yahay.

FB_IMG_1542450249125-300x169.jpg

Sidoo kale wax garadka Jaaliyada oo rag iyo dumarba lahaa ayaa hadalo mahadnaq iyo soo dhaweynba leh uga soo jeediyey munaasibada Gudidii hore ee Jaaliyada iyo Gudida Cusub ee loo dooryay Gudoonka Jaaliyada Puntland, iyadoo goobtaas Shahaado sharaf lagu gudoonsiiyey Gudoomiyihii hore ee Jaaliyada Siciid Dhimbiil iyo dhamaan xubnihii hore ee Gudida Jaaliyada.

FB_IMG_1542450242908-300x169.jpg

Gabogabadii waxaa shirka soo xiray oo xilkii lagu wareejiyey Gudoomiyaha Cusub ee Jaaliyada Puntland Mudane Abshir Xasan Sheekh Doon iyo Gudiga Cusub ee Jaaliyada, iyagoo u mahadnaqay Bulshada Jaaliyada ee codkooda kalsoonida ah siiyey, iyagoo balan qaaday in ay hore u sii wadi donaan hawlihii shaqo,isku xir bulsho iyo samfal ee Jaaliyadu ay caanka ku aheyd mudada dheer.

Xafladii Doorasha Gudoomiyaha Cusub Jaliyada puntland Denmark

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this