Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxwaynaha Puntland oo kala diray Golihii degaanka Galkacayo

Recommended Posts

Deeq A.   

Garowe (Sh.M.Network) – War qoraal ah oo kasoo baxay xafiiska Madaxwaynaha maamulka Puntland ayaa waxaa lagu kala diray Golihii deegaanka ee degmada Galkacayo ee xarunta gobolka Mudug ee koonfurta Soomaaliya.

Hoos ka akhriso digreetada

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa xeer Madaxweyne Lr. 175, November 17 2018, ku kala diray Golaha Daganka Degmada Gaalkacyo.

Madaxweynaha Dowladda Puntland.

Markuu arkay: Dastuurka Dowladda
Puntland.

Markuu tixgeliyey: Tala soo jeedinta
Wasaaradda Arrimaha Gudahada, Dowladdaha Hoose iyo Horumarinta
Reer Miyiga.

Markay caddaatay: in ay hanan-waayeen
shaqadii loo igmaday.

Wuxuu Xeeriyey.

1. Waxaa la kala diray Golaha Dagaanka
Degmada Gaalkacyo.

2. Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu
Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay
Madaxweynuhu.

-DHAMMAAD-

The post Madaxwaynaha Puntland oo kala diray Golihii degaanka Galkacayo appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this