Sign in to follow this  
Deeq A.

BFS oo shuruud ku xiray ansixinta miisaaniyada dowlada ee 2019

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Sh.M.Network) – Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulan ku yeeshay xarunta ay ku leeyihiin magaaladda caasimadda ah ee Muqdisho.

Kulanka oo uu shir guddoominaayay kusimaha guddoomiyaha Golaha Shacabka ahna guddoomiye ku xigeenka koowaad mudane C/weli Sheekh Ibraahim (Muudeey) ayaa waxaa soo xaadiray 155 xildhibaan.

Wasiirka Wasaarada Maaliyadda ee Xukuumada Soomaaliya mudane C/raxmaan Ducaale Bayle ayaa xildhibaanada Golaha Shacabka sharaxaad ka siiyay miisaaniyadda dowladda 2019 oo ay wasaaradiisu soo diyaarisay.

Wasiirka ayaa wuxuu sheegay in isbadal weyn uu ka muuqdo sanadkan miisaaniyadda, waxa uu soo bandhigay meelaha ay u qorsheeyeen in lagu taageero miisaaniyaddaan.

Intaasi kadib, Xilldhibaanada iyo Gudoonka Gollaha Shacabka ayaa shuruud ku xiray meel-marinta miisaaniyadda, iyaga oo sheegay inay muhiim tahay in lagu cadeeyo keenista xisaab xirka 2017, shaqaaleysiinta shaqaale cusub iyo kororka dhaqaale ee la sameeyay.

Hoos ka dhageyso warka oo Cod ah

http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/11/Mahad-1.mp3

The post BFS oo shuruud ku xiray ansixinta miisaaniyada dowlada ee 2019 appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this