Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland oo xabsi ka daysey nin kamid ahaa dadka degan Galkacayo

Recommended Posts

Deeq A.   

Galkacayo (Sh.M.Network) – Maamul goboleedka Puntland ayaa wuxuu xabsi kasii daayay nin kamid ahaa dadka ku dhaqan magaalada Galkacayo ee xarunta gobolka Mudug ee koonfurta dalka Soomaaliya.

Shaqsiga xorriyadiisa dib loo siiyay oo lagu magacaabo Cabdirisaaq Xuseen Tahliil, kana mid ah ganacsatada magaalada Galkacayo ayaa dhowaan maxkamad dambiyada culus ee Puntland waxay ku xukuntay dil toogasho.

Xukunka ayay u cok-satay maxkamada kadib markii lagu soo eedeeyay inuu ka tirsan yahay kooxda Al-Shabaab.

Sii daynta ganacsadahaan oo la sheegay inuu kasoo jeeda dhinaca maamulka Galmudug ayaa timid kadib wadahadalo dhex-maray maamulada magaalada Galkacayo, ee kala ah dowlad goboleedyadda Puntland iyo Galmudug.

The post Puntland oo xabsi ka daysey nin kamid ahaa dadka degan Galkacayo appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this