Sign in to follow this  
Deeq A.

DFS oo soo dhaweysay baaritaanka Sacuudiga ee dilka Khashoggi

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Sh.M.Network) – War-saxaafadeed kasoo baxay wasaarada arrimaha dibadda ee Soomaliya ayaa looga hadlay kiiska wariye Jamaal Khashoggi, kaasi oo lagu dhex-dilay safaaradda Sacuudigu ku leeyahay dalka Turkey.

Bayaanka ayaa lagu xusay in dowladdu ay soo dhaweyneyso baaritaan ay ku dhawaaqday Xeer ilaalinta guud ee Sacuudiga, kaasi oo lagu sameynayso dad lagu tuhmayo inay dilka ka dambeeyeen.

Warka wasaaradda oo aanan lagu soo hadal-qaadin hadii ay taageersan tahay talaabada Sacuudigu qaadayo ayaa wuxuu uqonaa sida soo socota:

“Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxa ay soo dhoweyneysaa baaritaanka ay ku dhawaaqday Xeer ilaalinta guud ee Dowladda aanu walaalaha nahay ee Boqortooyada Sucuudi Carabiya, kaas oo lagu xog-wareystay dadka u xirxiran dilka muwaadinka Sucuudiga ee Jamal Khashoggi.

Soomaaliya waxa ay u aragtaa tallaabo loo qaaday dhanka wanaagsan si daaha looga qaado xaqiiqda dhabta ah ee ku saabsan xaaladaha kiiska”.

The post DFS oo soo dhaweysay baaritaanka Sacuudiga ee dilka Khashoggi appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this