Sign in to follow this  
Deeq A.

Shariif Xasan oo la ogaaday inuu taageerayo mid kamid ah musharixiinta K/Galbeed

Recommended Posts

Deeq A.   

Baydhabo (Caasimadda Online) – Wararka naga soo gaarayo Magaalada Baydhabo ee Xarunta Maamulka Koonfur Galbeed ayaa sheegayo in magaaladaas laga dareemayo taageero uu Shariif xasan Shiikh Aadan oo ahaa mudaxweynihii hore ee Maamulkaas uu u fidinayo Musharaxa Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur.

Madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed Shariif Xasan Shiikh Aadan oo dhawaan heshiis la galay Dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa waxaa lasoo sheegayaa inuu heshiiskii uu galay ay kamid aheyd inuusan taageeri karin Musharixiinta Koonfur Galbeed.

Shariif Xasan ayaa fuliyey laba qodob oo kamid ah Qodobadii uu Dowladda ku heshiiyey oo kala ahaa inuu xilka iska casilo isla markaasna uusan isisoo sharixin, balse wuxuu si cad u jabiyey qodobkii ahaa inuusan taageeri karin musharixiinta Maamulkaas.

Wasiiradii iyo Xildhibaanadii sida weyn u taageersnaa Shariif Xasan ayaa la arkayaa iyagoo taageerayo Roobow Abuu Mansuur oo ah wadaad dhawaan kasoo baxay Kooxda Al-Shabaab iskuna soo taagay Xilka madaxweynimo ee Koonfur Galbeed.

Sidoo kale wararka qaar ayaa sheegayo inuu Shariif Xasan uu ka taageerayo Roobow dhanka Maaliyadda inkastoo aan si rasmi ah loo xaqiijin karin arrintaan.

Shariif Xasan ayaa la sheegay inuu dhawaan Dowladda Soomaaliya ka qaatay lacag Laba Malyan oo Dollar ah  si uu uga haro madaxtinimada Koonfur Galbeed.

Dowladda Soomaaliya ayaa wadato Musharax Lafta Gareen, wuxuuna cadaadis xooggan kala kulmayaa Roobow oo heysto tiro badan oo ka tirsan Xildhibaanada Koonfur Galbeed.

Caasimada Online
Xafiiska Baydhabo
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this