Deeq A.

Madaxweyne Farmaajo ayaa lagu eedeeyey sumcadxumo kadib markuu qaaday tallaabo aanay qaadin madaxweyneyaashii ka horeeyey

Recommended Posts

Deeq A.   

Safiirka_USA_ee_Somalia_Xalane-1.jpg?resMuqdisho (PP) ─ Madaxweynaha Somalia, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta Warqadaha aqoonsiga danjirenimo ka gudoomay safiirka cusub ee Dowladda Mareykanka ay usoo magacawday Soomaaliya, Donald Yukio Yamamoto.

Madaxweyne Farmaajo ayaa tagay Xarunta ciidamada AMISOM ee Muqdisho ee loo yaqaanno Xalane oo ku taal xeyndaabka sida aadka ah loo ilaaliyo ee Garoonka Diyaaradaja Xamar, halkaasoo wada-hadallo kooban kula qaatay Donald Yamamoto.

Xarunta Villa Somalia ayaa qoraal ay baraha Bulshada soo dhigtay waxay ku sheegtay in madaxweynaha Soomaaliya uu maanta warqadaha Aqoonsiga ee danjirenimo ka guddoomay Donald Yamamoto, iyadoo aan warbixintaan lagu xisin halka arrintani ka dhacday.

Tani waxay noqonaysaa markii ugu horreysay oo Madaxweyne Soomaaliyeed uu Waraaqaha aqoonsi danjirenimo uu Xalane ama safaarad dhexdeed kaga guddoomo safiir waddan kale uu u soo magacabaay Somalia.

Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Somalia, C/salaan Hadliye ayaa sannadkii 2016-kii, Waraaqaha aqoonsiga wuxuu safaarada Mareykanka ee Xalane uga guddoomiay Safiirkii hore Mareykanka Micheal Schwartz oo is casilay 2017-kii.

Ugu dambeyn, Tallaabadan ayaa waxaa laga bixiyay faallooyin kala duwan iyadoo shacabka qaarkood ay ku tilmaameen mid sumcad-xumo daran u horseedayso Somalia, halka kuwo kalena ay sheegeen in sababtu ay tahay iyadoo aan dublamasiyiinta Mareykanka ah loo ogoleyn inay soo dhaafaan Xalane.

Safiirka_USA_ee_Somalia_Xalane-2.jpg?res Safiirka_USA_ee_Somalia_Xalane-3.jpg?res

PUNTLAND POST

The post Madaxweyne Farmaajo oo Qaaday Tallaabo aanay horay u qaadin Madaxdii ka Horreysay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
gooni   

Talaabo aysan qaadin madaxdii ka horaysay?!!

Safiir maraykana, hadduu ku qaabilo markab dushiis iyo hadduu ku qaabilo xalane naftiisuu uga baqay soomaalida, wax dhiba oo ku jira iima muuqato waa wadan dagaal fikri ah ka jiro lanana garan karo meesha loogasoo bixi karo.

Madaxdii asaga ka horaysay waxay ku qaabileen xalane haweenay gudoomiye degmo ka ah Finland.

Kuwii kasii horeeyay waxay qaabileen miss.clinton, Nairobi gudaheeda saxaafadda carabta  yaa waydiisay sida ay u arkaan la kulankeeda

Waxay ku jawaabeen inay ahayd, فرصه الذهبية  ama golden opportunity.

Taa macnaheeda markii la fasiray dadkii dhagaysanayay, waxay u qaateen inay ula jeedaan, barakada miss clinton allaha noogu dambi dhaafo waana lala yaabay runtii.

Protocol iyo haybad dawladeed dawladaan yaa noogu horeeya sodon ka dib, waa haddii runta la beegsado.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.