Sign in to follow this  
Deeq A.

Xiisad ka dhex taagaan Shabaab iyo Daacish iyo war kulul oo kasoo baxay Daacish

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Xiisadda Dagaal ee u dhaxeysa Al-Shabaab iyo Daacish ayaa dhibaatada ugu badan waxay kasoo gaartaa dadka shacabka ah, iyadoo labada dhinac ay dhaqalo shacabka ka doonayaan.

Wargeyska Al Naba oo ah todobaadle ku hadla Afka Daacishta Syria ayaa warbixin uu ka qoray Al-Shabaabka Soomaaliya, waxaana ay sheegeen inay digniin ugu dirayaan Al-Shabaab.

Digniinta ayaa aheyd in Al-Shabaab aysan ishor istaag ku sameyn howlgalada ay ka wadaan dalka Soomaaliya kooxda Daacish, waxaana muuqata in waxyaabaha la isku qabtay ay yihiin dhanka dhaqaalaha.

Wargeyska oo soo xiganayay Afhayeen u hadlay Daacish, ayaa sheegay in Al-Shabaab aysan ku qanacsaneyn dhaqdhaqaaqa Daacish ee Soomaaliya, balse ay sameyn doonaan wax walbaa oo ay isaga difaacayaan weerarada Al-Shabaab.

Waxa kale oo uu sheegay in Shabaab ay weeeraro ay ku qaarijiyeen Saraakiil sar sare oo Sooomaaliya wakiil ugu ahaa Hogaamiyaha Daacish Abu Bakar Al Baqdaadi ay kusoo qaadeen balse sida uu sheegay iminka la joogo xiligii ay Daacish ka aargudsan laheyd.

Hadalada Daacish ee Digniinta Al-Shabaab ayaa u muuqda mid fursad u ah dowladda Soomaaliya, maadaama haddii dhexdooda isku mashquulaan ay ka faaideysan karto.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this