Sign in to follow this  
Deeq A.

Kolonyo ka tirsan AMISOM Oo qarax lagula eegtay Heliwaa

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho ( Sh. M. Network )-Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qaraxa Ciidamo ka tirsan kuwa AMISOM barqanimadii maanta lagula eegtay qeybo ka mid ah degmada Heliwaa ee G/ Banaadir.

Qaraxa oo ahaa mid xoogan ayaa waxaa la sheegay in lala bartilmaameedsaday kolonyo ay la socdeen Ciidamadaasi, xilli ay marayeen xaafadda Suuqa Xoolaha ee degmadaasi.

Khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa lagu soo warramayaa in qaraxaasi uu ka soo gaaray Ciidanka AMISOM.

Balse ma cadda inta uu la egyahay, iyadoona sidoo kale qaraxu uu waxyeelo gaarsiiyay mid ka mid ah Gawaarida ay wateen Ciidamadaasi.

Askarta AMISOM ee qaraxa lala eegtay ayaa ku sii jeeday dhanka gobolka Shabeelaha Hoose, sida ay xaqiijiyeen dad Goobjoogayaal ah.

Dhinaca kale Al Shabaab ayaa sheegtay masuuliyadda qaraxan, waxaana ay sheegeen in ay ku dileen 1 Askari oo ka tirsanaa Ciidamada AMISOM, sida ay hadalka u dhigeen.

Dhawaan ayey aheyd qarax Miino Ciidamada AMISOM lagula eegtay agagaarka Isgoyska Ex Koontarool Balcad, halkaas oo ay ku dileen dad Rayid ahaa oo aan waxba galabsan.

The post Kolonyo ka tirsan AMISOM Oo qarax lagula eegtay Heliwaa appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this