Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddiga doorashada Koonfur Galbeed Oo la magacaabay

Recommended Posts

Deeq A.   

Baydgabo ( Sh. M. Network )-Xildhibaanada Baarlamaanka K/ Galbeed Soomaaliya ayaa maanta meel mariyay 15 xubnood oo loo soo xulay in ay noqdaan guddiga cusub ee qaban qaabada ee doorashada maamulkaasi.

Xubnahan ayaa waxaa ku jira Haween, waxaana kulanka maanta ay Baarlamaanku ku ogolaadeen ku sugnaa mas’uuliyiin ka tirsan Koonfur Galbeed iyo qaar ka mid ah Odayaasha Dhaqanka ee deegaanada maamulkaasi.

Maxamed Xaaji Xasan Liibaan oo ka mid ah waxgradkii ka qeyb galay kulanka ayaa Shabelle uga warbixiyay magacaabista guddigan cusub oo dardar galin doona qabsoomida doorashada maamulkaasi.

Dhawaan ayey aheyd markii ay is casileen xubno ka mid ahaa Guddigii doorashada K/ Galbeed, sababo la xariira fargalin ay sheegeen in lagu hayo.

The post Guddiga doorashada Koonfur Galbeed Oo la magacaabay appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this