Sign in to follow this  
Deeq A.

Shirka Midowga Africa Oo ka Furmay magaalada Addis Ababa

Recommended Posts

Deeq A.   

Addis Ababa ( Sh. M. Network )-Ra”iisul wasaaraha dalka Itoobiya Dr.Aby Ahmed ayaa maanta si rasmi ah u furay kulan ay ka qeybgaleen Madaxda dalalka Midowga Afrika oo ka dhacay magaalada Adis-ababa ee dalkaasi.

Dr.Aby Ahmed  oo halkaasi ka jeediyay khudbaddii furitaanka ,waxa uu soo dhoweeyay madaxdii ka qeybgashay shirkaasi , isagoo ka warbixiyay in la sii ambaqaado  qodobada muhiimka ah ee  loo baahan yahay in Qaaradda Afrika ay ku tallaabsato .

Ra”iisul wasaaraha Itoobiya, waxa uu caddeeyay in ay lagama maarmaan tahay wada shaqeyn laga yeesho aayaha Qaaradda, gaar ahaan sidii loo abuuri lahaa jewi nabadeed iyo  kor u qaadidda dhaqaalaha.

Madaxweynaha dalka  Rwanda Paul Kagame  ahna guddoomiyaha Midowga Afrika ee sanadkaan ayaa sheegay in hadafka isbadalka loo baahan yahay uu yahay in la helo Afrika oo xoogan, isla markaana dadkeedu ay helaan mustaqbal wanaagsan .

Kulankaasi waxaa kaloo ka hadlay Moussa Faki Mahamat, oo ka mid ah la guddoomiyaasha guddogga midowga Afrika, isagoo  faahfaahiyay dhaqdhaqaaqyada isbadalada loo baahan yahay.

The post Shirka Midowga Africa Oo ka Furmay magaalada Addis Ababa appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this