Maf Kees Posted January 30, 2006 xiinfaniin, please continue! Originally posted by AYOUB_SHEIKH: Xiin Here's a little task for you, most of these poets named their favourite camels, care to name some the beasts? I cannot believe what I'm witnessing. I can actually answer this question. Didn't the poet Cali Dhuux frequently talk to his favorite camel Cartan? Quote Share this post Link to post Share on other sites
xiinfaniin Posted February 1, 2006 ^^Daanyeerow Qatar baad tahay saaxiib. Quote Share this post Link to post Share on other sites
xiinfaniin Posted February 2, 2006 Where's Alle-ubaahane ? i tought you were gonna take my artistic dual, saaxiib. Awoowe soo noqo, oo adoo gabay wada soo noqo ! Quote Share this post Link to post Share on other sites
Alle-ubaahne Posted February 2, 2006 Originally posted by xiinfaniin: Where's Alle-ubaahane ? i tought you were gonna take my artistic dual, saaxiib. Awoowe soo noqo, oo adoo gabay wada soo noqo ! War waa i kanaa, ehehehehe, iga raali ahow waan yara mashquulsanaa baryahane! Awoowe, waxaan la yaabay sida goobtii suugaanta naloogu cidleeyay, mise wax kale ayaa jira, oo dadkii baa gartay inaan fooda is darno, oo suggaan hilfaha iskugu qaadno?! Waxaan oran lahaa, Nin hadii aftahan loo yaqaan amuu abwaan sheegto Ilaaheey hadii uu yaqaan iyo awoodiisa Islaamnimo hadii lagu dhalay iyo tirada iimaanka Umadiisa waa inuu sinaan ugu adeegaaye'eee! Asalnimada sooyaalka waa inuu abaaraaye Waa inuu iqyaar daacad ahoo jira ahaadaaye waa inay oraahdiisu tahay abshirtoo kale'e Inkastoo yaryahay waa inuu oday u muuqdaayee! Sidii nabi ayuub waa inuu samir adkaadaaye awliyo sideed waa inuu aragti yeeshaaye sidii ugub haween waa inuu u asturnaadaayeee Xaqa waa inuu ku adimoo oo ku arimiyaayee! Horta intaas waa iga afeef, laakiin aniga waxaan door biday intaan suugaan kugu jaa'ifeen lahaa oo halkaas ceebi iga raaci laheyd, waa inaan samaha ka doortaa, oo gabayga kiisa aan xanafta laheyn kuwada maraxabeenaa. Laakiin waxaa intaas ka horeysa, war ninyahow aniga Castro ayaan guubaabiyee, maxaad iila soo raadsatay gabayga? Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacpher Posted February 2, 2006 Alle Ubaahne, walee ma yareesadit. Walaxaa kugu duugan igaaroow. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Alle-ubaahne Posted February 2, 2006 ^^Ina adeerow sidaas ha dhihin, waa intaas oo saaxiibkeey xiinfaniin yara caroodaaye! Koley haatan waxaa meeshan koobka u sita Xiinfaniin, maadaama aan gabayga sidiisaba iska taagay mowqifka ah: Gabayada hadaan shubi lahaa, amase geeraarka Wuxuu iga galaafanahayaa, garasho diimeed'e Cibaadada ninkii gaar ka mara, guuldaraa heli'e Gabaldhiciyo waagii barya, iyo gooriyo ayaanba Galin dhexe habeenkii, wardibaan galow kasiiyaa'e Gafkii iga dhacaa maanta, waa geeri oo kala'e Inuu godob islaameed ibado, woowga gaabsaday'e Marka Ducaqabow, arintu waa sidaas, ragna gabay u tafa xeyday, ragna gees iskaba beyr oo goobtii holin waaye! Quote Share this post Link to post Share on other sites
xiinfaniin Posted February 2, 2006 ^^Caadi ma tihid adeer . Maxaa igu watay bay iga maraysaa . waa la noqday my buraanbur dent! you are abwaan your own right. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Alle-ubaahne Posted February 3, 2006 Ehehehehehe, war xiinoow, awoowe waxa kugu duuggan iyo waxa aan ku hadaaqay kala weyn, ee adeer halkaas suugaanta nooga sii qumi! Quote Share this post Link to post Share on other sites
Baashi Posted February 3, 2006 Been guurka xaa waaye. Haddii uu gabay idin haayo bal car dood-wadaag inta tagtaan afaray tuur tuura. Hadde waxan iri car!! Quote Share this post Link to post Share on other sites
xiinfaniin Posted February 3, 2006 ^^Baashow, gabaygi Axmed Dirir ma haysaa? If you do please share it with us,saaxiib.Ofcourse with commentary. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Gabbal Posted February 4, 2006 Originally posted by Alle-ubaahne: [Q] ^^Ina adeerow sidaas ha dhihin, waa intaas oo saaxiibkeey xiinfaniin yara caroodaaye! Koley haatan waxaa meeshan koobka u sita Xiinfaniin, maadaama aan gabayga sidiisaba iska taagay mowqifka ah: Gabayada hadaan shubi lahaa, amase geeraarka Wuxuu iga galaafanahayaa, garasho diimeed'e Cibaadada ninkii gaar ka mara, guuldaraa heli'e Gabaldhiciyo waagii barya, iyo gooriyo ayaanba Galin dhexe habeenkii, wardibaan galow kasiiyaa'e Gafkii iga dhacaa maanta, waa geeri oo kala'e Inuu godob islaameed ibado, woowga gaabsaday'e Marka Ducaqabow, arintu waa sidaas, ragna gabay u tafa xeyday, ragna gees iskaba beyr oo goobtii holin waaye! [/Q] Shiekh Alla-Ubaahne, I am going to give you ample time to give recognition where it's due and name the famous source of that poem or I am going to have to expose a classic case of plagiarism . Even though you purposely altered the poem to decrease the chance of google-search speaks for itself, I am giving you the benefit of the doubt untill you can clarify your position. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Alle-ubaahne Posted February 4, 2006 War ma anaa ii hanjabeysaa, ^^, waxaan maqli jiray Caruur war la'aan baa cadaabka looga xoreeyay! haatan waa adiga ku hayee ishii gabayga laga soo xigtay sheeg, ma hubtaa inaanan aheyn ninkii gabaygaas yiri, mise waxaa tahay kuwa aaminsan gabyaaga inuusan Internet iyo computer gali karin? Baashi, waan ku salaamay awoowe. Been kuu sheegi mahayo, gabayga waan holiyaa saaxiib, laakiin iskuma shideeyo, inkastoo aan u baahanahay inaan suugaan badan boorka ka jafo. Ee bal noo sheeg, xagee ayaantan ku maqneyd, mise waad labeysatay? Quote Share this post Link to post Share on other sites
Abaadir Posted February 4, 2006 Alla Ubaahne: here is the entire Gabay. As Kasharne said, you should give credit the source of the poem. In this case Galayax. Awel Maanso waataan gurshoo, gooyey waayadane In dhawayd ka gaban gaabsadoo, wayga garateene Anigoo an gabin baan nacee, kama gal gaaleene Lix iyo toban haloo wada gartaya, wawga gaabsadaye Gabaygu waa yaraa Muxumedoow, gaafihii hore Garka iyo sidaydaas nimaan, guudka ka caddaanin Ama aan shaarubada oo gotay iyo gucumo Aar yeelan Goloyaasha lama keeni jirin, gaafka loo tago e Maantana Gurbood iyo gabdhiyo, gaban yaroo wiila Iyo Oday guxuushaaya yaa, guusha loo simaye Gef inay amuurtaasi tahay wawga gaabsadaye Guubaabo iyo gooddi iyo, gabay ma daayeene Haddii aan garwaaqsaday intaan gu iyo Waa Joogay Nin gaboobay oo oday noqdiyo, guudcaddaan ahaye Gefkii iga dhacaa maanta waa, geeri oo kale e Inuu godob islaameed I bado, wawga gaabsadaye Cibaadada ninkii gaar ka mara , guul darraa heliye Gabbal dhiciyo waagii baryiyo, goor iyo ayaanba Marna kama gidaadeen fahmada, guulle ii qoraye Gabayada haddaan shubi lahaa, amase geeraarka Wuxuu iga galaafanahayaa, garasho diineede Gelin dhexe habaynkii wardibaan, guriyaa Laylkiiye Nin ilaah u go ay baan ahoo wa uga gaabsadaye Geddaan anigu soo maray haddaan, gun uga sheekeeyo Inkastoo barkood go ay naflaha, geeri bow imane Raggii Geedka ila joogi jiray, gabalki baa noole Galkaa Bari Garoowiyo Nugaal, Garacad meesheeda Gooddiga Hargaysa intii, Guban ka hoosaysa Gar loo gubay Galbeed iyo Jig-Jiga, Goobba dhinaceeda Garbahaaraleey iyo dhulkaa, Gedo ka baalleeya Intaasoon guriyo meelo iyo, gobollo soo sheegay Anigaa geyiga eebbahay, gabay u teednaaye Maantana rag badan baw gurmaday, gooha maansada e Inay wiilal wada guuxayaan, wawga gaabsadaye Nin gurbooda lama qayrsan karo, guun haddaad tahaye Midaan hooyadii gurininoo, guriga meeraaya Aan weli gosheediyo ka bixin, gurada Awrkooda Hadduu goob walbaba taagan yahay, gabayna tookhaayo Kolna inaanan garab joogsan karin, wawga gaabsadaye Gabay Hawle iyo Raage iyo, Gooni baa lumaye Cali iyo Gahayr iyo Qamaan, geeri baw timide Ismaaciilna mawd baa genbiyay, waana tuu go Afcad wuxuu Gallayr yeyn ogaa, geesigii dhimaye Galaaskayga nimankii ahaa, gululi weeyaane Anna goor dhow baan filahayaa, goof la ii qodo Inay guurtidii eber yihiin, wawga gaabsadaye Markaanse gaban ahaa iyo haddoon, gooman oday yeeshay Intii aniga geed iyo shir iyo, garan gar lay keenay Amaan meelo lagu guulay iyo, gogol ka sheekeeyey Haddii anan gabaro weyn ku helin, guuyo iyo xoolo Inaan faa'ido laga gaara hayn, wawga gaabsadaye Haddii anan gobaadoo dhashiyo, geri ku taabaynin Ama anan gamaankii fardaha gorey ka fuulaynin Ama anan garaaddiyo billado garabka saaraynin Waxba gooddiggiisiyo ma rabo, gole kasheeggiise Inaan galala diisu i anfacayn wawga gaabsadaye Aduunyaduba gaasiran ninkii gaan ahaan jiraye Ninkaan gacanta lala laaci jirin waa gabanayaaye Hayeeshee gadaal niman dhashiyo gaafiyaa kacaye Amba rag baa gabay igu qabsaday iina goodiyaye In aduunku gaafaysi yahay wowga gaabsadaye Nin ragihi wuxuu galay amuu, gudeyba loo diidye Haddaad geesi tahay meel walbaba, cadawga guulaaya Giiryaalihii kula dhashaa gaalo, kaa necebe Inaan xaasid gacal kuu ahayn, wawga gaabsadaye Shir la gooday waayeel gabraday, talo la goyn waayey Guddi ururtay niman gaan ahoo, gararka feeraaya Xaajada guyaal iyo guyaal gees, u dhici wayday Garaad iyo wax loo sooci jiray, guud-caddow odaye Haddana geedka wiilkii yar baa, gic isa soosiine Haddaanse guushey kani, waa adduun gees u foorare Inba aakhir sabankii la galay, wawga gaabsadaye Gooraan Fardood iyo Darmaan, Galow ka dheeraysa Sayid maxamed geel iyo lo iyo, godol wuxuu haystay Arlaa’iga wuxuu daar gin gimay, gulufna heenseeyey Gubnigii Daraawiish wuxuu, gaasas bixinaayey Gumaysiga wuxuu laayay oo, Gaal la diriraayay Gebo-gebo intuu dhigay wuxuu, libin ku geeraaray Waxuu naago goba guursadoo, aqallo gawriirshay Intaasoo gallada oo ilaah, ugu gar gaaraayay Gegi buu ka taaganaa cid la ah, maalintuu go aye Nimanakii godka u qoday ma cunin, gudurki duugeede Gadaal xumida dunidaan arkoo, wawga gaabsadaye Gabdhaheenna waxaa loo yiqiin, haybad gooniyahe Goshay xiran jireen maryaha loo garraarsado e Gobna waxay ahaayeen intay, guudka dabayeene Gayaankooda lama laacdamayn goor iyo ayaane Maantana gad baa lagu arkiyo, guul darriyo ceebe Adigoo gidaar uga horyimid, kaama gudayaane Garoob waalan iyo waxaa ka haray, goroyo food dheere Hiddiihiina waa garab mareen, gaar ahaan jiraye Timihiina gedef bay ka dhigeen madax ganbuur weyne Iyagoon ninama guursan bay, wada ganbaysteene Haweenkeenna dhaqankii geddiyay, wawga gabsadaye Garaad nimaan lahayn baan ogayn gaadistii Malage Gugaan manta joogiyo hadaan gadaha faalleeyo Gantaalaha wadkii haystay iyo gamaska mawdkayga Markuu ruuxa iga goyn lahaa waala soo galaye Inay taasna igu guullan tahay wawga gaabsadaye Inkastoon gu yaal badan cimriga, gelimo sii joogo Maraan go aba Mawdkii rabbaa,yaa ii gadaal imane Godna waa i sugayaa qabuur, guda ciriiryoone Gabnahaa agoontoobi iyo, gaaryahaan qabo e Intaanan ciidda hoosteeda galin, wawga gaabsadaye Quote Share this post Link to post Share on other sites
Alle-ubaahne Posted February 4, 2006 :eek: Tuug la qabtay talo maleh! Quote Share this post Link to post Share on other sites
Nephissa Posted February 4, 2006 Ceebeey Tacaal! [insert disappointed icon here] Quote Share this post Link to post Share on other sites