Deeq A. Posted November 17, 2018 Boosaaso ( Sh. M. Network )-Wararka laga helayo gobolka Bari ayaa ku warramaya in maanta Ciidamo ka tirsan kuwa maamulka Puntland Qarax lagul eegtay inta u dhexeysa degmada Boosaaso iyo Buuraha Galgala ee gobolkaasi. Qaraxa oo ahaa nuuca Miinada dhulka lagu aaso ayaa la sheegay in lala bartilmaameedsay Gaadiid ay la socdeen Ciidamadaasi. Inta la ogyahay illaa 3 Askari ayaa ku dhaawacantay qaraxaasi, sida ay Shabelle u xaqiijiyeen ilo wareedyo ku sugan halkaasi. Ciidamada Qaraxa lala eegtay ayaa la sheegay in ay ka soo ambabaxeen dhanka Buuraha Galgala, kuna soo jeedeen magaalada Boosaaso ee xarunta Ganacsiga Puntland. Dhinaca kale Al Shabaab ayaa sheegtay masuuliyadda qaraxan, sida ay ku baahiyeen barahooda Internet-ka. Al Shabaab ayaa warkan ku sheegay in qaraxaasi ay ku dileen Askar iyo Saraakiil ka tirsan Ciidamada maamulkaasi, sida ay hadalka u dhigeen. Inta badan Dagaalyahannada Xarakada Al Shabaab ayaa weeraro gaadma ah iyo qaraxyo la beegsada Ciidanka Puntland ee ka howlgallo buuraleyda G/ Bari ee Puntland. The post Faah faahinno ka soo baxaya qarax ka dhacay Gobolka Bari appeared first on Shabelle. View the full article Share this post Link to post Share on other sites