Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynaha JFS Oo warqadaha ka guddoomay danjiraha Maraykanka

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho ( Sh. M. Network )-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa warqadaha aqoonsiga ka guddoomay danjiraha cusub ee dowladda Maraykanku u soo magcawday Soomaaliya Mudane Donald Yukio Yamamoto.

Danjiraha sucub mudane Yamamoto ayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka uga mahadceliyey ka guddoomidda waraaqaha aqoonsiga, isaga oo sheegay in dowladda Maraykanku ay Soomaaliya ka caawin doonto dhinacyada horumarka, amniga, dhaqaalaha iyo arrimaha bulshada.

Madaxweyne Farmaajo ayaa dhankiisa danjiraha cusub u mahadceliyey, isaga oo ku soo dhaweeyey Soomaaliya, una ballan qaaday in dowladda Soomaaliya ay la shaqayn doonto.

The post Madaxweynaha JFS Oo warqadaha ka guddoomay danjiraha Maraykanka appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this