Sign in to follow this  
Deeq A.

Koonfur Galbeed oo cod aqlabiyad leh ku ansixisey guddi doorasho oo cusub

Recommended Posts

Deeq A.   

Baydhabo  (Caasimadda Online) – Kullan ay Magaalada Baydhabo ee xarunta ku meel gaarka Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ku yeesheen Xildhibaanada maamulkaasi ayey cod gacan taag ah ku ansixyeen xubnaha lagu dhameystiraayey Gudiga Doorashada Madaxweynaha maamulkaasi.

Fadhiga Xildhibaanada ayaa waxaa xaadir ku ahaa Xildhibaano gaaraya 138, Xildhibaan, waxaana u codeeyay 134 Xildhibaan oo cod gacan taag ah ugu codeeyay, waxaa diiday laba Xildhibaan, halka laba kalena ay ka aamuseen.

Gudiga Doorashada Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed oo ay maanta ansixiyeen Xildhibaanada maamulkaasi xunbaha lagu soo kordhiyay ayaa laga dhursugayaa darder gelinta doorashadaasi xiligeeda ka dib martay ka dib markii xubno dhowr ah oo guydigaasi ka mid ahaa ay is casileen.

Doorashada Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa waxaa isha ku haaya Badi Soomaalida meel kasto oo ay joogaan iyo beesha caalamka.

46408090_2220484531522672_47810033788114

46449482_2220479944856464_9210604941624746327491_2220484368189355_51453651426612

Caasimada Online
Xafiiska Baydhabo
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this