Sign in to follow this  
Deeq A.

Boqorka Beelaha Daarood Oo Soo Gaadhey Gobolka Sool Iyo Wasiirro Ka Tirsan Xukuumadda Somaliland Oo Soo Dhaweeyay

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Laascaanood)-Boqorka Beelaha Daarood Boqor Burhaan Boqor Muuse ayaa maanta soo gaadhey gobolka Sool.

Waxaana boqorka meel 10 km u jirta degaanka Tuko-raq kusoo dhoweeyey wasiirka Horumarinta Biyaha Somaliland Saleebaan Cali Koore ,Guddoomiye ku xigeenka Hay’adda Ka Hortaga Afooyinka Dabiiciga ah iyo Kaydka Raashinka Qaranka  iyo Garaadka guud ee gobolka Sool Garaad Jaamac garaad Ismaaciil.

Waxa kale oo soo dhoweyntaasi qayb ka ahaa Maayirka degmadda laascaanood iyo saraakiisha ciidamada Qaranka ee degaankaasi ku sugan.44471947_1998059590274810_29398358921240

Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Biyaha Somaliland oo socdaalka boqorka ka hadlay ayaa sheegay in ay ka xukumad ahaan kusoo dhoweynayaan boqorka dalka Somaliland ayna la qaban doonaan hawlaha uu u socdo ee Nabadaynta beelaha walaalaha ah ee ku dagaalamay dhowaan Koonfurta gobolka Sool.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this