Sign in to follow this  
Deeq A.

“Sida Al Shabaab ayay dadka Shacabka ula dhaqmaan ciidamada dowladda Soomaaliya”

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Maamulka degmada Balcad ayaa eedeyn culus u jeediyay dowladda Soomaaliya, iyaga oo sheegay in Shacabka degmada sida Al Shabaab ay ula dhaqanto.

Guddoomiyaha degmada Balcad Qaasim Cali Nuur Furdug, ayaa sheegay in ciidamada dowladda ee kusugan degmada Balcad ay dhibaatooyin badan ku hayaan shacabka doonaya inay gudaha u galaan magaalada.

Sidoo kale wuxuu guddoomiyaha eedeyn u jeediyay ciidamada kusugan xerada Maslax oo ah Koontaroolka Koofureed ee Muqdisho laga soo galo marka laga yimaado dhanka degmada Balcad.

Wuxuu sheegay in Gaadiidka ka taga degmada Balcad ee doonaya magaalada Muqdisho loo cadaadiyo sida inay ka yimaadeen dhul Al Shabaab ay maamulaan, iyaga oo qaarkood aanba loo ogolaan inay gudaha u galaan Muqdisho.

Wuxuu talo ahaan usoo jeediyay saraakiisha amaanka in degmada Balcad iyo degmada Afgooye buundooyinka ku yaalo laga bilaabo xaqiijinta amaanka magaalada Muqdisho, oo kaliya xerada Maslax aan laga bilaabin.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@Live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this