Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamada Kenya Oo lagu eedeeyay in ay qeyb ka yihiin dhoofinta dhuxusha Somalia

Recommended Posts

Deeq A.   

Kismaayo ( Sh. M. Network )-Ciidamada difaaca dalka Kenya ee qeybta ka ah howlgalka Midowga Africa ee AMISOM ayaa lagu eedeeyay in weli kaalin lixaad leh ay ka qaadanayaan dhoofka sharci darrada ee Dhuxusha Soomaaliya.

Warbixin cusub oo ay soo saaray guddiga la socodka xayiraada arrimaha Soomaaliya ee UN Monitoring Group ayaa lagu sheegay in deegaanada ay ku sugan yihiin Ciidanka Kenya ay yihiin kuwa ugu badan ee looga dhoofiyo Dhuxusha si qarsoodi ah.

UN Monitoring Group ayaa shaacisay in Dekedda magaalada Kismaayo iyo degmooyin kale oo ku yaalla gobolka Jubbada Hoose oo ay maamulaan Ciidamada Kenya laga qaado Dhuxusha, taas oo loo iib geeyo dalalka Khaliijka Carabta.

Golaha Ammaanka ee QM ayaa manuucay 2012-kii dhoofinta Dhuxusha Soomaaliya, iyagoo sheegay in dhaqaale uu ka soo galo Al Shabaab,oo dagaal kula jira dowladda Soomaaliya.

Sidoo kale maamulka Jubbaland ee uu horkacayo Axmed Madoobe ayaa waxay QM ku eedeysay in uu qeyb ka yahay ka ganacsiga Dhuxusha, maadaama laga dhoofiyo xeebaha magaalada Kismaayo.

Jarida iyo gubista Dhirta ayaa ka qeyb qaata abaaraha ku soo noq noqda dalka, maadaama nabaad-guur ay ka dhashaan, taas oo hay’adaha dhinac deegaanku ay ka digeen.

The post Ciidamada Kenya Oo lagu eedeeyay in ay qeyb ka yihiin dhoofinta dhuxusha Somalia appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this