Sign in to follow this  
Deeq A.

Hoggaamiyeyaasha Midowga Afrika Oo shir ku leh Itoobiya

Recommended Posts

Deeq A.   

Addis Ababa ( Sh. M. Network )-Hoggaamiyeyaasha wadamada Qaaradda AFrika ayaa shir muhiim ah uga furmayaa magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya,waxaana Soomaaliya uga qeybgalaya wafdi ka socda dowladda Soomaaliya.

Mudane Mahdi Maxamed Guuleed raiisul wasaare kuxigeenka Xukuumadda Soomaaliya iyo wafdi uu hoggaaminayo oo ku sugan dalka Itoobiya  Soomaaliya u matalaya shirka madaxda Afrika ay leeyihiin.

Ajandayaasha diiradda lagu saarayo shirkani waxaa kamid ah isbedel iyo dib u habayn lagu sameeyo Ururka,si loo horumariyo hoalaha horyaala,sidoo kale waxaa laga hadlaya arrimaah aamniga,siyaasadd aiyo dhaqalaha Ururka Midowga Afrika.

Dalka masar ayaa lafilayaa in dhawaam uu qabto hoggaanka,waxaana haatan haaya madaxweynaha Ruwanda Paul Kagame,kaasi oo gadaal ka riixaya isbedelo in la sameeyo.

Madaxweynayaasha wadamada Afrika qaarkood ayaa imaanaya,halka kuwa kalena ay soo dirsanayaan wasiiradood aarrimaha dibadda.

Wadamada madaxweynayaashooda imaanaya waxaa kamid ah South Africa, Zimbabwe, Botswana, Comoros, Togo and Ghana iyo kuwo kale,halka Nigeria iyo Mozambique ay kamid yihiin wadamada Wasiiradooda arriamaha dibadda u matalidoona shirkaasi.

The post Hoggaamiyeyaasha Midowga Afrika Oo shir ku leh Itoobiya appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this