Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddoomiye Mursal Oo la kulmay madaxda Cyprus

Recommended Posts

Deeq A.   

Cyprus ( Sh. M. Network )-Gudoomiyaha Golaha Shacabka Amb Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan Oo Maalmahanba Booqasho Ku Jooga Isaga Iyo Wafdi Uu Hogaaminayo Jamhuuriyadda Turkiga Ee Waqooyiga Cyprus  ayaa la kulmaya madaxda Cyprus.

Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan Ayaa La kulmey Madaxweyne Mustafa Akinci, Ra’isulwasaare Mudane Erhurman, iyo Ra’isulwasaare ku-Xigeenka ahna Wasiirka Arimaha Dibada Mudane Kudret Özersay ee dalkaan.

Kulankoodi ayaa waxaa ay diiradda ku saareen xiriirka ka dhaxeeya Cyprus iyo Soomaaliya,iyo sidii loo adkeyn lahaa xiriirka iyo iskaashiga ka dhexeeya.

Sidoo kale Wuxuu Ka qeyb galay Munaasabadda 35-Sano guurada aasaaska Jamhuuriyadda Turkiga Ee Waqooyiga Cyrprus.

Waxaa ku wehliya socdaalkiisa xubno ka tirsan Golaha SHacabka ee Baarlamaaka Federaalka Soomaaliya.

The post Guddoomiye Mursal Oo la kulmay madaxda Cyprus appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this