Deeq A. Posted November 17, 2018 Addis Ababa ( Sh. M. Network ) – Jeneraal Gabre oo ah Taliyihii hogaaminayay ciidamada Itoobiya ee dalka Soomaaliya kusoo duulay 2006 ayaa lagu xiray Addis Ababa. Booliska ayaa xabsiga dhigay Gabre, iyadoo amarka lagu xiray uu kasoo baxay sida la sheegay Xukuumadda Abiy Axmed, waxaana lagu wadaa in maxkamad lasoo taago. Gabre ayaa loo haystaa dembiyo ka dhan ah bini’aadanimda oo uu ka geystay gobolka Ismaamulka Soomaalida dalka Itoobiya xilligii uu Cabdi Illey Madaxweynaha ka ahaa. Gabre ayaa waxay hay’adda Amnesty ku eedeysay inuu ka dambeeyo dilal iyoo tacadiyo kala duwan oo ciidanka Itoobiya ka geysteen dalka Soomaaliya. The post Gabre oo lagu xiray dalka Itoobiya appeared first on Shabelle. View the full article Share this post Link to post Share on other sites