Sign in to follow this  
Deeq A.

Sirdoonka Mareykanka Oo Sheegay In Amir Maxamed Bin Salmaan Uu Ka Dambeeyay Dilkii Jamaal Khashoggi

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Istanbul)-Hay’adda Sirdoonka dalka Mareykanka ee CIA da ayaa sheegtay in Amiir Maxamed Bin Salmaan uu ka dambeeyay dilkii Wariye Jamaal Khashoggi oo 2dii bishii October ee sannadkan lagu dhax dilay gudaha Qunsuliyada Sacuudiga uu ku leeyahay dalka Turkiga magaalada Istanbul.

20181117636780103568723152jamal-khashogg

CIA ayaa si toos ah u sheegtay in Amir Maxamed Bin Salmaan uu bixiyay amarka lagu qaarijiyay wariye Jamal, hadalkaasi oo noqonayaao mid kasoo horjeeda sheegashada Dowladda Sacuudiga ay sheegatay in Amiirka iyo gebi ahaan Dowladda Boqortooyada Sacuudiga uusan wax lug ah aysan ku laheyn dilka Wariyaha.

Warka ka soo baxay hay’adda CIA da ayaa sidoo kale lagu sheegay in dilkan ay fuliyeen 15 Nin oo markii danbe ka raacay magaalada Istanbul diyaarad ay leedahay Boqortooyada Sacuudiga, iyadoo warkan uu meesha ka saarayo hadalkii uu soo saaray ku-xigeeenka xeer ilaaliyaha dalka Sacuudi Arabia oo dilka Khashoggi ka fogeeyay Amiir Suldaan.

Saraakiil u hadlay CIA ayaa sheegay in natiijada baaritaankooda ay u gudbin doonaan Aqalka Cad ee looga arrimiyo dalkaasi si tilaabada ku habooon ay kaga qaadaan dhaxal sugaha Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this