Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Biixi Oo La Filaayo Inuu Todobaadkan Safar Ugu Baxo Magaalada Burco Iyo Ujeedka Safarkiisa

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi ayaa la filayaa in markii ugu horreysay muddo sannad ah oo uu tallada dalka hayey inuu toddobaadkan safar ugu baxo gobalada bariga Somaliland gaar ahaan gobalka Togdheer.

39115486_1776505202463325_.jpg

Madaxweynaha ayaa la sheegay in uu xadhiga ka soo jari doono mashaariic gobalkaas laga hir galiyey kaas oo uu ka mid yahay dhismaha jeel Wey ee magaalada Burco.

Madaxweyne Biixi ayaa tan iyo markii la doortay oo laga joogo muddo sannad ah aan wax safar ah ugu bixin gobalada Bariga Somaliland balse safar ugu baxay magaalada Borama oo uu xaflada qalin-jabinta ardey Jaamacada Camuud uu kala qeyb galay.
Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa hore uga baaqday in uu ka qayb-galo xafladii qalin-jabinta ee Jaamacadda Burco iyo sidoo kale xaflad lagu dhagax dhigayay ballaadhinta dekedda Berbera oo ay shirkadda DP World ku qabatay Magaalada Berber taasi oo markii hore la qorsheeyay in uu ka qayb-galo Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi balse markii dambe la sheegay in uu ka baaqday.
Illaa hada ma cadda In uu madaxweynuhu sii dhaafi doono magaalada Burco iyo inuu dib ugu soo laaban doona Magaalada Hargeysa.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this