Sign in to follow this  
Deeq A.

“Masuuliyiintii Dawladda Ayaa Deegaanmeyntan Cusub Sameysanaya…” Wasiir Shukri Oo Joojisay Degaameyn Cusub Oo La Sheegay Inay Wadeen Masuuliyiin Ka Tirsan Xukuumadu

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargeysa)-Wasiirka wasaaradda deegaanka iyo horumarinta reer miyiga marwo Shukri Xaaji Ismaaciil Baandare ayaa joojisay deegaameyn cusub oo laga yagleelayay deegaanka Laasa Dacawo ee gobolka Saaxil.

IMG_03F934-8035D2-38B884-D008D0-F9D4B2-D

Wasiir Shukri waxay sheegtay in masuuliyiin xukuumadda ka tirsani ay hawshani deegaameynta cusub gacanta ku hayaan, waxaanay uga digtay in aanay wax hawla ka qaban karinn halkaasi.

Wasiirku waxa ay tilmaantay in goobtaasi laga samaynayay deegaamaynta oo keyn aheyd laga jaray dhirtii, islamarkaana geed weyntii ku taalay xididda loo siibay, taasina ay tahay ayaandarro.

Wasiirka wasaaradda deegaanku marwo Shukri Xaaji Ismaaciil waxay sidan ka sheegtay mar ay hawlo shaqo u tagtay deegaanka Laasa Dacawo ee gobolka Saaxil. Iyadda oo arrimahaasi ka hadleysayna waxay tidhi “Waad aragtaan halkani waa dhul cusub oo dhirtii ku taalay la xasuuqay, dhirtii waa weyneyd oo dhan waa laga wada dhammeeyay, deegaameyn cusub ayaa ka socota aniga maskaxdeyda maba galeyso, maayirka oo arkay, badhasaabkii degmadda oo arkay haddana waxba kama qaban karno, haddii sida la sheegayo la leeyahay masuuliyiintii dawladda ayaa deegaanmeyntan cusub sameysanaya maxaa dadka masaakiinta ah loo sheeganayaa, halagu kala tago weeyaan, suuragelimeyso inta nin madax ahi yimaado inuu yidhaaho waxaasi oo dhira ayaan xasuuqay. Lo’ daaqaysa ayaannu ugu tagney goobtan, dhul badan oo bannaan oo wax beerashada ku hanboon ayaa jira, maxaa buurtan Garba-diir hoosteeda laga soo dooney, waxani wax shaqeynaya maaha, waana laga guurayaa.”

Sidoo kale marwo Shukri waxaa ay xustay in 7 milyan oo lacag ah lagu ganaaxo qofkii geed qoyan jara waxaanay tidhi “Halka geed ee la gooyay ayaanu todoba milyan dadka aanu ka qaadnaa, talaabo sharciga waafaqsan oo arrintooda la xidhiidha ayaa laga qaadaya. Halka geed 7 milyan ayaa magaalada Hargeysa lagaga qaada, wadanka dawladd ayaa ka talisa oo loo sheegayaa”

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this