Sign in to follow this  
Deeq A.

DF oo shaacisay go’aan ay isbitaalada Muqdisho kula wareegeyso (Dhageyso)

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Xukuumadda Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday inay dhawaan la wareegeyso Isbitaallada ku yaalla magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho, si loo hubiyo, ayey tiri, tayada caafimaada ee dalka.

Wasiirka caafimaadka iyo daryeelka bulshada dowladda Soomaaliya Fowsiya Abiikar Nuur ayaa sheegtay in xukuumadda Soomaaliya ay wado qorshayaal ay ugu yaraan kula wareegeyso laba isbitaal oo ku yaalla Muqdisho.

Waxa ay sheegtay in kaliya muhiimada ay aheyd in la ansixiyo Hindise Sharciyeedka Golaha Mihnadlayaasha Caafimaadka Qaranka, si fowdada ay u yaraato, sidoo kalena ay dowladda awood u leedahay inay la wareegto maamulka Isbitaalada qaar ee ku yaalla magaalada Muqdisho.

“Isbitaallada waan la wareegeynaa si tartiib tartiib ah, waana rajeyneynaa, waxa ay noqon doontaa in dadka Soomaaliyeed ay adeeg tayo leh oo caafimaad ka helaan dalka gudihiisa ayay tiri Fowsiya Abiikar Nuur.

Hoos ka dhageyso codka Wasiirka Caafimaadka

https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2018/11/Wasiirka-Caafimaad.mp3

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this