Sign in to follow this  
Deeq A.

Maamulka Jubbaland oo ku dhawaaqay go’aan cusub oo la xiriira wada-hadalka DF

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Cali Maxamed Geedi, ayaa maalmihii ugu dambeeyay ku sugnaa magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose, isaga oo ka shaqeynayay isku soo dhawaanshaha Jubbaland iyo dowladda Dhexe.

Kulamo kala duwan oo uu la qaatay masuuliyiinta Jubbaland ayaa waxaa kadib xubno maamulka kamid ah ay ku dhawaaqeen inay diyaar u yihiin wadahadal ay la galaan dowladda Soomaaliya.

Wasiirka Waxbarashada Jubbaland Maxamed Ibraahim Maxamuud, ayaa sheegay inay diyaar u yihiin inay ogolaadaan in Soomaaliya ay horey u socoto oo aan dib loo laaban sida uu sheegayna aqbalayaan wadahadalka dowladda Dhexe.

Guddoomiye ku xigeenka Labaad ee Jubbaland Cabdi Baaleey Xuseen ayaa dhankiisa isagana sheegay in muhiim ay tahay in laga wada shaqeeyo horumarka dalka Soomaaliya.

Waxay sheegeen in marnaba aysan diyaar u aheyn in dhibaato la abuuro,hayeeshee ay diyaar u yihiin in Jubbaland ay qaadato tabasha kasta oo ay qabto dowladda Federaalka Soomaaliya.

Hadalkan ka soo yeeray Mas’uuliyiin ka tirsan Jubbaland ayaa ku soo aadaya xilli weli uu jiro khilaafka u dhaxeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowlad Goboleedyada Qaar.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this