Deeq A. Posted November 17, 2018 Guriceel ( Sh. M. Network )-Wararka laga helayo gobolka Galgaduud ayaa ku warramaya in saaka dhaq dhaqaaqyo Ciidan laga dareemayo deegaano ka tirsan gobolkaasi. Dhaq dhaqaaqyada oo ah kuwa xoogan ayaa ka socda nawaaxiga degmada Guriceel ee gobolkaasi. Waxaana la sheegay in dhaq dhaqaaqyadu ay yihiin kuwa iska soo horjeeda, una dhexeeya Ciidamada dowladda iyo Dagaalyahannada Xarakada Al Shabaab. Dadka deegaanka ayaa cabsi ka muujinayo in dagaallo ay ka qarxaan halkaasi, kuwaas oo durbo bilaabay barakac xoogan. Muddooyinkii dambe Ciidamada dowladda iyo kuwa Galmudug ayaa howlgallo ka dhan ah Al Shabaab ka waday gobollada Mudug iyo Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya. The post Dhaq dhaqaaqyo Ciidan Oo ka socda gobolka Galgaduud appeared first on Shabelle. View the full article Share this post Link to post Share on other sites