Sign in to follow this  
Deeq A.

Midowga Yurub Oo Dib U Eegis Ballaaran Ku Samaynaya Xidhiidhka Uu Laleeyahay Dalka Tanzania

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Tanzania)-Midowga Yurub ayaa dib u eegis ballaaran ku samaynaya siyaasadihiisa ku aaddan dalka Tanzania sababo la xiriira wax uu Midowgaasi ku tilmaantay “Xuquuqda aadanaha iyo sarraysta Sharciga oo sii xumaanaya”.

104371571_aa5c4dd5-d403-4056-a0fa-6a7fcc

Bilihii u dambeeyey, waxaa hoggaanka madaxweyne John Magufuli soo foodsaaray eedaymo gudaha ah iyo kuwo caalami ah oo la xiriira cabburinta mucaaradka iyo afqabashada xorriyadda hadalka.

Tallaabadan ugu dambaysay ee ay qaadeen deeq bixiyeyaasha reer galbeedku ee ay uga golleeyihiin inay si qoto dheer u qiimeeyaan xiriirka ay la leeyihiin Tanzania la yaab kuma noqoneyso madaxweyne Magufuli.

Horaantii bishan, Midowga Yurub ayaa u yeertay ergaygeeda Tanzania, taas oo ay uga jawaabayso ugaarsiga lagu hayo dadka isku jinsiga ah ee is guursada. Isniintii, Baanka Adduunka ayaa ka laabtay dayn waxbarasho oo gaaraysa $300 oo milyan oo Tanzania la siin lahaa, sababo la xiriira siyaasadda lagu muransan yahay ee ay Tanzania gabdhaha da`da yar ugu diidday inay iskuulka ku laabtaan marka ay dhalaan kaddib.

Maalintii shalay ahayd, Denmark, oo ka mid ah dayn bixiyeyaasha ugu waaweyn ee Tanzania daymaha siiya ayaa ku dhawaaqday inay joojisay $9.8m oo gargaar ah oo ay siin lahayd Tanzania.

Xiriirka gurracan ee u dhaxeeya Tanzania iyo diblumaasiyiinta ayaa u muuqda inuu meel xun gaaray, kaddib markii Paul Makonda oo saaxiib dhow la ah madaxweyne Magufuli, isla markaana ah duqa magaalada caasimadda ah ee Dar es Salam uu sheegay inuu u xil saari doono koox ugaarsata dadka isku jinsiga ah ee is guursada.

Dowladda ayaa sheegtay in Makonda uu fekerkiisa cabirayay, taas oo aan ku salaysnayn siyaasadda dowladda.

Tallaabooyinkii adkaa ee uu Magufuli uga hortagayay musuqmaasuqa sanadkii 2015 markuu talada dalkaas qabtay ayaa soo jiidatay indhaha caalamka, balse dadka wax falanqeeya ayaa ku doodaya in dulqaad la`aanta uu u hayo mucaaradka iyo warbaahinta ay carqaladayn karto kalsoonida ay reer galbeedku ku qabaan maamulkiisa.

Dagaalkan u dhaxeeya Magufuli iyo beesha caalamka ayaa dharbaaxo kulul ku ah dhaqaalaha Tanzania, iyadoo ku dhowaad kala bar qorshe maaliyadeedka dalkaas uu ka yimaado gargaar dibadda uga yimaada.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this