Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowladda Mareykanka Oo Ku Dhawaaqday Cunaqabateyn Ka Dhan Ah 17 Qof Oo U Dhashay Dalka Sacuudiga

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Washington)-Dowladda Mareykanka ayaa ku dhawaaqday cunaqabateyn ka dhan ah 17 qof oo u dhashay dalka Sacuudiga, kuwaasi oo lagu tuhmayo inay ku lug lahaayeen dilka suxufi Jamaal Khaashuqji.

99D9C47A-34D3-410A-83F7-BE6C9CE82783_cx0

Dadka cunqabateynta la saarayo waxaa ku jira Saud al-Qahtani, oo kaaliye sare u ahaan jiray dhaxal-sugaha Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan, iyo qunsulkii Sacuudiga ee Istanbul Mohammed Alotaibi.

“Shaqsiyaadkan bartilmaameedsaday ee sida xun u dilay Jamaal Khaashuqji waa inay wajahaan cawaaqibka ficilladooda” waxaa sidaas bayaan ku yiri xoghayaha maaliyadda Mareykanka Steve Mnuchin.

Cunaqabateynta ayaa waxaa la fulinayaa ayada oo la eegayo xeerka caalamiga ah ee la-xisabtanka xuquuqda aadanaha ee Magnitsky, kaasi oo lagu beegsado dadka geysta xadgudubyada xuquuqda aadanaha iyo ficillada musuq-maasuq.

Warkan ayaa ahaa mid yaab leh, sababtoo ah Mareykanka inta badan sooma rogo xayiraad ka dhan ah Scauudiga.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this