Sign in to follow this  
Deeq A.

Kooxda Daacish oo u digtay Al-Shabaab

Recommended Posts

Deeq A.   

Warkeeyska ku hadla afka kooxda Daacish ee lagu magacaabo Al-Naba ayaa lagu qoray fariin digniin ah oo loo dirayo saraakiisha Al-shabaab ee Soomaaliya.

Afhayeen u hadlay kooxda Daacish ee uu soo xiganayo warkeeygska ayaa waxa uu sheegay in ay la socdaan dhibaatooyin ay Al-shabaab ku hayaan Ciidamadooda.

Waxa uu sheegay in ay qaadayaan tilaabo kasta oo ay isaga difaacayaan dhibaatooyinka kaga imaanaya Al-shabaab.

” Tani micnaheedu ma ahan in aan ka baqaneeyno Al-Shabaab Ama ay Daciifnimadeena Tahay laakiin waxaan war galineeynaa dadka Soomaaliyeed jawaabta Daacishna waa ay soo socotaa” ayuu yiri afhayeen u hadlay Daacish.

Sidoo kale warkeeyska ayaa sheegay in Al-shabaab ay doonayaan in ay ka hor istaagaan Daacish in dhaq dhaqaaqyo ay ka sameeyaan Soomaaliya.

Puntland Post 

The post Kooxda Daacish oo u digtay Al-Shabaab appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this