Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamada Itoobiya oo maanta laayey shacab Soomaaliyeed

Recommended Posts

Deeq A.   

Baardheere (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya degmada Baardheere ee gobolka Gedo ayaa waxa ay sheegayaan in maanta halkaasi ay ka dhaceen rabasho ay ku dhinteen dad Shacab ah oo Banaanbax sameynaayay.

Nabadoon Cali Yacquub Nuur oo ka mid ah waxgaradka degmada Baardheere ayaa Risaala u sheegay in ugu yaraan 4 qof ay dhinteen 6 kalena uu dhaawac soo gaaray ka dib markii ciidanka Itoobiya ay rasaas ku fureen dad kasoo horjeeday Gudoomiye cusub oo loo soo Magacaabay degmada Baardheere.

Waxaa uu sheegay in ninka cusub ee lasoo Magacaabay Ciidanka Itoobiyaan ay taageerayaan, islamarkaana dadkii kasoo horjeeday la laayay.

Nabaddoonka ayaa dowladda dhexe iyo maamulka Jubbaland ugu baaqay in wax laga qabto dhibaatada heysta ee ka timid Ciidanka dowaldda Itoobiya qeybtooda ku sugan degmada Baardheere.

https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2018/11/Wareysi-baardhere-.mp3

Caasimada Online
Xafiiska Garbahaarey
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this