Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynaha Soomaalida Itoobiya Mustafe Cagjar Oo Dadaal Ugu Jira Daminta Colaadi Koonfurta SOOL Iyo Wararkii U Danbeeyay

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Addis-ababa) Madaxweynaha dowlad degaanka soomaalida Itoobiya ayaa waxaa uu magaalada Addis Ababa kulamo kula yeelan doonaa madax ka tirsan dowlada degaanka Oromia iyo dowlada dhexe ee Fedaraalka Itoobiya.

0F889D2A-2ABF-4799-A7A7-188D95376CD6.jpe

Kulankaan ayaa waxaa looga hadli doonaa sidii xal waara looga gaari lahaa isku dhacyada u dhaxeeya soomaalida Iyo Oromada ee ka taagan xadka labada gobol ay wadaagaan oo bilihii la soo dhaafay dad badan lagu dilay.

Saraakiil ka tirsan madaxtooyada magaalada Jigjiga ayaa xaqiijiyay in madaxweyne Mustafe Muxumad Cumar uu wado dadaalo loogu gurmanayo dadka ka barakacay magaalada Moyale colaadii ka dhacday.

Dowlada dhexe ee Itoobiya ayaa bilihii la soo dhaafay dhankeeda

baaqyo is daba joog ah ka soo saareysay arintaan waxaana la ogeyn waxa ay ka badali doonto kulamada uu madaxweynaha dowlad degaanka soomaalida Itoobiya uu la yeelan doono hogaamiye yaasha gobolka Oromia.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this