Sign in to follow this  
Deeq A.

Sacuudiga Oo Si Rasmiya U Shaaciyay Dadkii Ka Danbeeyay Dilkii Wariye Jamaal Khashoggi

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Riyadh)Dacwad oogaha sacuudiga ayaa shaaca ka qaaday in la ogaaday in sarkaal ka tirsan sirdoonka uu amray in la dilo Jamaal Khaashuqji ee uusan jirin amar ka soo baxay dhaxal sugaha boqornimada Amiir Maxamed Bin Salmaan.

74397D88-E3A4-4AC4-A8D6-F34A68D7684C.jpe

Sarkaalka ayaa lagula ballamay inuu saxafiga ka dhaadhiciyo in uu dalkiisa dib ugu soo laabto sida uu afhayeen sheegay. Dacwad oogaha ayaa sheegay in Khaashuqi cirbad sun ah lagu durey ka dib markii uu gacan ka hadal ka dhacay qunsuliyadda Sacuudiga ee Istanbul, 2dii Oktoobar.

Wuxuu eedeymo ku soo oogay 11 qof oo uu ku eedeyey dilka, wuxuuna weydiistay in 5 ka mid ah dil lagu xukumo. Kiiska ayaa loo wareejiyey maxkamad, halka baaritaanka 10 kale oo la tuhunsanayaal ahna la sii wado.

Shir jaraa’id oo uu maanta ku qabtay magaalada Riyaad ayuu ku sheegay ku xigeenka dacwad oogaha, Shalaan bin Rajih Shalaan, in Meydka Khaashuqji lagu dhex jarjaray qunsuliyadda markii uu dhintay.

Hilbihii ayaa looga dhiibay qof “shaqaale” maxalli ah, meel dibadda ah. Sawir gacmeedka qofka shaqaalaha ah ayaa la sameeyey, waxaana socda baadigoob lagu hayo halka hilbihiisa laga heli karo.Mr Shalaan ma uusan sheegin magacyada shanta ruux ee lagu eedeeyey dilka Khashuuqi.

Hase yeeshee wuxuu sheegay in baaritaanku uu “dibadda soo dhigay in qofka amarka dilka baxshay uu ahaa madaxa kooxda wada xaajoodka” ee uu u diray Istanbul ku xigeenka taliyaha sirdoonka, Jeneraal Axmed al Casiiri, si loogu khasbo Khaashuqji in dib loogu celiyo Sacuudiga.

“Amiirka dhaxal sugaha ah waxba kalama socon” ayuu ku sii daray dacwad oogaha iyadoo ay soo baxayeen eedeymo lala xiriirinayay in Amiirka Dhaxal sugaha ah.

Amir Maxamed, wiilka boqor Salmaanka Sacuudiga, ahna ninka la aaminsan yahay inuu Sacuudiga xukumo, ayaa beeniyey inuu wax lug ah ku lahaa waxana uu ku tilmaamay dilka saxafiga dambi naxariis darro ah oo aan sinnaba qiil loogu samayn karin.

Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan, ayaa sheegay in “amarka dilka Khaashuqji uu ka yimid darajada ugu sarraysa xukuumadda Sacuudiga”, laakinse uusan rumaysnayn in uu boqor Salmaan bixiyey.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this